WAA IN LA HORUMARIYO MAGAALADA DHEBARQI SI KHAYRAADKEEDA DALXIIS LOOGU SOO BANDHIGO CAALAMKA: MADAXWEYNE TAYE ATSQESELASSIE

Addis Ababa,Nahaase,19/2018 (ENA) – Madaxweynaha JDFI Federaalka Taye Atske Selassie, ayaa xusay in loo baahan yahay in la horumariyo magaalada Dhebarqi oo ah xarunta dulqaadka iyo is-kaalmaysiga, si khayraadkeeda dalxiis loogu soo bandhigo caalamka.

 

Barnaamij dhaqaale-ururin ah oo loogu talagalay horumarinta magaalada Dhebarqi kaas oo hal-ku-dhig looga dhigay (Aan qurxino Dhebarqi magaaladeennana aan bilicdeeda kor u qaadno) ayaa ka qabsoontay Hotel Hilton.

 

Munaasabadda waxaa ka qayb galay Afhayeenka Golaha Federaalka Agegnehu Teshager, Madaxweynaha Deegaanka Amxaarada Arega Kebede iyo mas’uuliyiin kale oo sare oo ka tirsan dowladda iyo maalqabeenno.

 

Barnaamijka dhaqaale-ururinta ayaa lagu soo bandhigay baaq ah: “Kaalaya, si wadajir ah aan u horumarino magaalada Dhebarqi oo ah albaabka laga galo Beerta Qaranka ee Buuraha Simien, oo ah goob dalxiis oo cajiib ah oo ay dabiicaddu samaysay.

 

Dhebarqi ma aha oo keliya magaalo, balse waa dhul ay ka muuqdaan hodantinimada Itoobiya, isla markaana ah goob caan ku ah dalxiiska, fanka iyo taariikh fac weyn.

 

Magaaladu waxay door muhiim ah ka qaadataa isu-socodka dadka doonaya inay daawadaan xayawaannada dhifka ama naadirka ah ee Itoobiya sida Walia Ibex, daanyeerka Geladha iyo dawacada cas Itoobiya.

 

Beerta Qaranka ee Buuraha Simien waxaa laga helaa in ka badan 530 nooc oo dhir ah, kuwaas oo 75 nooc ay yihiin kuwo gaar u ah deegaanka. Sidoo kale, 217 nooc oo shimbiro ah oo laga helo beerta qaranka, 10 nooc ayaa si gaar ah looga helaa Itoobiya oo keliya.

 

Madaxweyne Taye Atske Selassie ayaa sheegay in magaalaysigu kobciyo fikirka casriga ah, isagoo xusay in magaalooyinka Itoobiya ay tahay in ay tignoolajiyada ku horumaraan oo ay casriyeeyaan.

 

Madaxweynuhu waxa uu xusay in inkastoo Beerta Qaranka ee Buuraha Simien ay ka mid tahay goobaha ku qoran liiska Dhaxalka Adduunka, haddana aysan helin tirada dalxiisayaasha ay mudan tahay sababo la xiriira caqabadaha ka jira kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhibaatooyin kale.

 

Sidaas darteed, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la horumariyo magaalada Dhebarqi oo ah xarunta dulqaadka iyo is-kaalmaysiga, si khayraadkeeda dalxiis loogu soo bandhigo caalamka.

 

Waxa uu sheegay in Dhebarqi ay leedahay khayraad iyo fursado badan, isagoo xusay in loo baahan yahay in magaalada la casriyeeyo si indhaha caalamku ugu soo jeestaan.

 

Ugu dambayn Waxa uu xusay in ay lagama maarmaan tahay in la caawiyo lana taageero horumarinta deegaanka quruxda badan ee Simien.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015