WADATASHIGA QARANKA ITOOBIYA WAA TUSAALE AY AFRIKA KU DAYAN KARTO – OLUSEGUN OBASANJO

Addis Ababa, 16-ka Nehase 2018 (ENA) Shirweynaha Wadatashiga Qaranka Itoobiya wuxuu tusaale weyn u yahay qaaradda Afrika, sida uu xusay madaxweynihii hore ee Nigeria ahna Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika, Olusegun Obasanjo.

 

Munaasabadda xiritaanka Shirweynaha Wadatashiga Qaranka Itoobiya ayaa ka socota Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis Ababa.

 

madaxweynihii hore ee Nigeria ahna Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika, Olusegun Obasanjo ayaa xusay in Shirweynaha Wadatashiga Qaranka Itoobiya uu si guul leh ku soo dhammaaday, isagoo hambalyo u diray dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay guusha shirka.

 

Waxa kale oo intaasi ku daray in wadatashiga qaranku uu yahay hannaan lagu gaari karo nabad waarta, isagoo ku tilmaamay geeddi-socodka mid taariikhi ah.

 

Dhanka kale wuxuu xusay in wadatashiga qaranka ee loo dhan yahay, isla markaana dhammaan dhinacyada ka qayb galeen uu yahay tusaale ay Afrika ay ku dayan karto.

 

Obasanjo ayaa sidoo kale ammaanay shacabka Itoobiya oo doortay wada-hadal iyo wadatashi si loo gaaro nabad, isagoo xusay in waqtiga lagu bixiyo wadatashigu aanu la barbar dhigi karin khasaaraha ka dhasha colaadaha iyo dagaallada.

 

Ugu dambayn, waxa uu xusay in wadatashiga qaranku uu aasaas u noqon karo in Itoobiya ay ka hirgasho nabad, horumar iyo barwaaqo.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015