ITOOBIYA OO DHIDIBBADA U DHIGAYSA MUSTAQBALKA TEKNOOLOJIYADDA SIRDOONKA MACMALKA AH - ENA Af-Soomaali
ITOOBIYA OO DHIDIBBADA U DHIGAYSA MUSTAQBALKA TEKNOOLOJIYADDA SIRDOONKA MACMALKA AH
Itoobiya ayaa maalgelin ballaaran ku sameynaysa sirdoonka macmalka ah (AI), hal-abuurka dijitaalka ah iyo teknoolojiyadaha soo koraya, iyadoo waddanku uu fulinayo hawlo badan oo la jaanqaadaya horumarka teknolojiyadda casriga ah.
Iyadoo laga duulayo muhiimadda weyn ee ay dowladdu siisay dhinacan, shan sano ka hor ayay dalku dhistay Machadka Sirdoonka Macmalka ah ee Itoobiya, kaas oo si buuxda u bilaabay hawlihiisa.
Xilligan, dunida waxaa ka socda isbeddello waaweyn oo teknolojiyadeed oo dhinaca sirdoonka macmalka ah ah. Itoobiya ayaa iyaduna ka faa’iidaysanaysa fursadaha ka dhashay isbeddelladan, iyadoo si gaar ah uga shaqaynaysa adeegsiga teknoolojiyadda dhinacyada kala duwan ee horumarinta dalka.
Sida xogta machadku muujinayso, afartii sano ee la soo dhaafay waxaa barnaamijyada xeryaha xagaaga lagu tababarayay dhallinyaro (Summer Camp) hadda waxbarashada sirdoonka macmalka ah lagu bixiyo machadyada tacliinta sare, gaar ahaan heerarka labaad iyo saddexaad ee jaamacadda (MSc iyo PhD) ama ayaa lagu barata
Sirdoonka macmalka ah oo awood u leh inuu wax ka beddelo dhammaan dhinacyada nolosha ayaa si gaar ah kaalin muuqata ka qaadanaya beeraha, caafimaadka, adeeg-bixinta iyo dhinacyo kale oo muhiim ah, isagoo sare u qaadaya hufnaanta hababka shaqada.
Sidoo kale, xogaha lagu ururiyo laguna falanqeeyo sirdoonka macmalka ah ayaa wax weyn ka taraya go’aan-qaadashada hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyo horumarinta adeegyada ay bixiyaan.
Dhawaan, fikrado badan ayaa ka soo baxay madal dood ah oo ay Jaamacadda Addis Ababa u qabatay munaasabadda 75-guurada aasaaskeeda.
Raysalwasaaraha dalka Abiy Ahmed Dr oo ka qayb galay madasha doodda, ayaa halkaasi ka jeediyay warbixin cilmiyeed.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed wuxuu xusay in diyaarinta carruurta si ku filan oo degdeg ah ay suuragelinayso in sirdoonka macmalka ah si fudud looga faa’iidaysto, sida wax-soo-saar kasta oo kale
Waxa kale oo uu xusay in dowladda Itoobiya ay dejisay siyaasad iyo istaraatiijiyad cad oo taageeraysa horumarinta sirdoonka macmalka ah, isla markaana ay bilowday hirgelintooda.
Sidoo kale, wuxuu muujiyay kalsooni weyn oo ah in Jaamacadda AI-da ee Itoobiya dhiseyso ay wax ka qaban karto dhibaatooyin badan oo qaab-dhismeed ah oo ka jira dalka Itoobiya iyo guud ahaan qaaradda Afrika.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in mudnaanta koowaad ay tahay carruurta, isagoo tilmaamay in la wado hawlo u diyaarinaya dhallinyarada Itoobiya inay si heer caalami ah ula tartamaan dhiggooda dunida, isla markaana aanay ka liidan kuwa kale.
Wuxuu sidoo kale caddeeyay in Itoobiya ay dhiseyso saldhig adag oo sirdoonka macmalka ah, kaas oo aas-aas u noqon kara isbeddelka teknolojiyadeed ee dalka mustaqbalka.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in garaadka macmalka ah (AI) uu u baahan yahay diyaar-garow ku filan iyo shaqo adag, isagoo xusay in halkii laga cabsan lahaa teknolojiyaddan, lagu guulaysan karo in si dhab ah loo fahmo loona adeegsado.
Aragtida Itoobiya ee ku wajahan teknoolojiyadda casriga ah ma aha oo keliya inay ka jawaabto isbeddellada xilligan dijitaalka ah, balse waxay sidoo kale leedahay awood ay ku abuurto faa’iido dhaqaale oo waarta.
Istaraatiijiyadda Digital Ethiopia 2030 ee dhowaan la shaaciyay iyo Istaraatiijiyadda Dijitaalka ah ee 2025 ee la dhammaystiray ayaa leh awood weyn oo ay Itoobiya ugu gudbin karaan marxalad cusub oo sare oo dhinaca sirdoonka macmalka ah iyo teknolojiyadda dijitaalka ah.