HORUMARKA KA SOCDA ADDIS ABABA OO KOR U QAADAYA DOORKA CAASIMADDA EE GOOBAHA DALXIISKA - ENA Af-Soomaali
HORUMARKA KA SOCDA ADDIS ABABA OO KOR U QAADAYA DOORKA CAASIMADDA EE GOOBAHA DALXIISKA
Addis Ababa,Nahaase,16,2018 (ENA ) Komishaneerka Guddiga Dalxiiska ee magaalada Addis Ababa, Hundhe Kebedhe, ayaa sheegay in howlaha horumarineed ee ka socda Addis Ababa ay sare u qaadayaan awoodda caasimadda ee dalxiiska, isla markaana ay soo kordhinayaan faa’iidooyin dhinacyo badan leh.
Dowladda ayaa sannadihii u dambeeyay dalka oo dhan ka wadday dadaallo lagu soo bandhigayo khayraadka dalxiiska, lagu horumarinayo goobo badan oo cusub oo dalxiis iyo in qiime dheeraad ah lagu kordhiyo goobihii dalxiiska ee horey u jiray, taas oo sare u qaadaysa awoodda Itoobiya ee dhinaca dalxiiska.
Si kor loogu qaado doorka Addis Ababa ee dalxiiska iyo loo xaqiijiyo horumar waara oo dhinacan ah, waxaa magaalada ka socda howlo badan oo arrintan lagu taageerayo.
Waxaa ka mid ah seeraha ama beeraha nasashada ee Entoto, Arada, Friendship iyo Unity, iyo sidoo kale mashaariicda lagu horumarinayo hareeraha webiyada ee ku yaalla bartamaha iyo nawaaxiga magaalada, kaabayaasha waddooyinka iyo goobaha kale ee horumarinta cagaaran.
Howlahan ayaa magaalada ka caawinaya inay si wanaagsan uga faa’iidaysato goobaha dabiiciga ah, taariikhiga ah iyo kuwa dhaqanka, iyadoo isla markaana la xoojinayo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah iyo joogteynta deegaanka.
Tani waxay Addis Ababa ka dhigaysaa goob dalxiis oo gaar ah, gaar ahaan dhinaca dalxiiska deegaanka, iyadoo caasimaddu isku darsanayso dhaqanka, taariikhda iyo dabiiciga.
Komishaneerka Guddiga Dalxiiska ee Addis Ababa Hundhe Kebedhe, oo la hadlay ENA, ayaa xusay in inkastoo dalxiisku Itoobiya uu leeyahay taariikh dheer, haddana dalka uusan muddo dheer si buuxda uga faa’iidaysan khayraadka iyo fursadaha dalxiis ee uu leeyahay.
Waxa uu kale oo uu xusay in sannadihii u dambeeyay waaxda dalxiiska la siiyay fiiro gaar ah, iyadoo laga dhigay mid ka mid ah shanta tiir ee dhaqaalaha dalka, waxaana la dardargeliyay howlaha horumarinta waaxdan.
Waxa uu xusay in hindisaha Raysalwasare Waxa uu xusay in hindisaha Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed, lagu horumariyay goobo badan oo dalxiis ah, iyadoo loo marayo barnaamijyada Gebeta LeSheger, LeHager iyo LeTewoldhi.
Addis Ababa gudaheeda, marka laga soo tago horumarinta goobo cusub oo dalxiis, waxaa sidoo kale la sameeyay shaqooyin dib loogu cusboonaysiinayo goobihii dalxiiska ee horey u jiray.
Waxa uu tilmaamay in horumarinta Friendship Square, Entoto Park iyo Unity Park, iyo goobaha kale ee dalxiiska, ay gacan ka geysanayaan kordhinta tirada dalxiisayaasha iyo dheereynta muddada ay magaalada ku sugnaadaan.
Waxa uu xusay in horumarinta goobaha cusub iyo kuwa horey u jiray ay sidoo kale Addis Ababa u suuragelisay inay martigeliso munaasabado heer qaaradeed iyo heer caalami ah.
Dhanka kale wuxuu intaas ku daray in howlaha horumarineed ee hadda ka socda caasimadda ay gacan ka geysanayaan kordhinta awoodda Addis Ababa ee dhinaca dalxiiska.
Waxa uu xusay in mashaariicda horumarineed ee laga hirgeliyay caasimadda ay wax ka beddeleen waaxda dalxiiska, gaar ahaan iyadoo fiiro gaar ah la siiyay waaxdan, taas oo suuragelisay in tirada dalxiisayaasha booqda magaalada ay korodho.
Ugu dambayn wuxuu xusay in la dhisay kaabayaal Addis Ababa ka dhigaya xarun lagu qabto shirarka iyo kulamada heer caalami iyo qaaradeed, isagoo sheegay in tani ay fursad weyn u abuurtay in warshadaha dalxiisku si heer sare ah u kobcaan.