Waxaa la daahfuray mashruuc ka shaqayn doona xoojinta u adkaysiga iyo awooda laqabsiga bulshooyinka u nugul isbadalka cimilada.

Jigjiga ; Naaf 14/2018 (ENA): Waxaa magaalada Jigjiga lagu daahfuray mashruuc ka shaqayn doona xoojinta u adkaysiga iyo awooda laqabsiga bulshooyinka u nugul isbadalka cimilada.

 

Mashruuca oo ay hirgalintiisu iska kaashadeen Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga iyo Safaaradda Ireland ee Itoobiya ayaa Waxaa daahfurkiisa ka soo qeybgalay Wasiirka Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga DDS Eng. Muxyadiin Cabdi Xuseen, masuuliyiinta bahwadaagta xafiiska, Madaxwaynaha Jaamacada Jigjiga, gudooomiyaha gobolka Faafan, maamulada degmooyinka Shabeelley iyo Gursum iyo masuuliyiin ka socotay Safaaradda Ireland ee Itoobiya iyo Hay'ada Irish Aid. 

 

Mashruuca ayaa ka shaqayn doona damaanadqaadka cunnada, dibu soo noolaynta dhulka nabaad guuray ee ay saameeyeen isbadalka cimilada, kobcinta awoodda fulineed ee haweenka iyo horumarinta khayraadka qaybihiisa kala duwan.

 

Eng. Muxiyadiin Cabdi Xuseen, Wasiirka Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka DDS ayaa sheegay in mashruucani uu yahay mid wax lagaga badali lahaa habnololeedka bulshada ay saameeyeen isbadalka cimilada, iyadoo uu mashruucu socon doono muddo 5 sano ah, islamarkaana sannadka koowaad si tijaabo ah loogu bilaabi doono degmooyinka Shabeelley iyo Gursum ee gobolka Faafan.

 

Xigasho: SRTV

Wakaalada Warka Itoobiya
2015