Mas'uuliin Ka socota Deegaanka Canfarta Ayaa Madal Khibrad Wadaag ah oo lagu Qabtay Magaalada Jigjiga Ka Qayb Qaatay.

Jigjiga; Naaf 14/2018 (ENA): Waxaa lagu qabtay shir isugu jira khibrad wadaag iyo kobcinta awoodaha ah kaas oo diiradda lagu saarayay horumarka laga sameeyay barnaamijyada isdhexgalka bulshada, gaar ahaan khibradaha laga helay qoxootiga Maamulka Magaalada Qabribayax.

 

Masuuliyiin ka socotay Deegaanka Canfarta ayaa booqasho khibrad-wadaag ah ku yimid Deegaanka Soomaalida, iyagoo booqanaya degmada Qabribayax si ay wax uga bartaan hababka loo hirgeliyay barnaamijyada isdhexgalka bulshada, horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo xoojinta wada-noolaanshaha bulshada martida loo yahay iyo qoxootiga.

 

Kulankan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ka socday Xafiiska Madaxweynaha DDS, maamulka magaalada Qabribayax, masuuliyiin ka socday Deegaanka Canfarta iyo hay’adaha bahwadaagta ah.

 

Ka qaybgalayaasha ayaa ka wada hadlay muhiimadda khibradwadaaga, isdhaafsiga casharrada laga bartay iyo xoojinta iskaashiga labada deegaan, si loo dardargeliyo horumarka iyo adeegyada bulshada.

 

Shirkan ayaa la filayaa inuu xoojiyo wada-shaqaynta labada deegaan, isla markaana gacan ka geysto faafinta khibradaha wanaagsan ee laga gaadhay barnaamijyada isdhexgalka bulshada iyo horumarinta bulshooyinka.

 

Xigasho: SRTV

Wakaalada Warka Itoobiya
2015