GUDIGA WADATASHIGA QARANKA OO BERRI DHAMMAAN ERGOOYINKA SI WADAJIR AH UGU SOO BANDHIGAYA DUKUMENTIGA KAMA DAMBAYSTA AH - ENA Af-Soomaali
GUDIGA WADATASHIGA QARANKA OO BERRI DHAMMAAN ERGOOYINKA SI WADAJIR AH UGU SOO BANDHIGAYA DUKUMENTIGA KAMA DAMBAYSTA AH
Addis Ababa; 13-ka Nehasa 2018 (ENA .) Guddiga Wadatashiga Qaranka ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in dukumentiga kama dambaysta ah, oo lagu soo ururiyey talooyinkii lagu soo bandhigay Golaha Wadatashiga Qaranka, berri oo ku beegan 14-ka Nehasa 2018 T.I. si wadajir ah loogu soo bandhigi doono dhammaan ergooyinka wadatashiga.
Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga Wadatashiga Qaranka Hirut Gebreselassie oo shir jaraa’id qabatay ayaa xustay in kooxda isku-dubbaridka oo ka kooban 120 xubnood, taas oo loo xilsaaray isku-waafajinta talooyinka ay soo jeediyeen siddeedda kooxood, ay si taxaddar leh u soo shaqeyeen, isla markaana ay ilaa xalay soo diyaarisay hal dukumenti oo mideysan.
Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga Wadatashiga Qaranka ayaa xusay in dukumentiga mideysan saaka loo soo bandhigay siddeedda kooxood, iyadoo koox walba ay ka bixinayso talooyin iyo faallooyin kama dambays ah.
Waxay sidoo kale tilmaantay in kooxda isku-dubariddu ay caawa ku dari doonto faallooyinka iyo talooyinka la ururiyey, kadibna ay dhammaystiri doonto oo diyaarin doonto dukumentiga kama dambaysta ah.
Sidaas darteed, berri oo ku beegan 14-ka Nehasa 2018 T.I. dukumentiga kama dambaysta ah ee la isku-dubariday ayaa si wadajir ah loogu soo bandhigi doonaa 4,000-Ergooyinka Golaha Wadatashiga Qaranka, taasoo muujinaysa in geeddi-socodku gaaray marxalad muhiim ah.
Ugu dambeyn guddoomiye-ku-xigeenka Guddida Wadatashiga Qaranka ayaa shacabka ugu baaqday inaysan ku jahawareerin wararka qalloocan, balse ay si joogto ah ula socdaan bayaannada rasmiga ah ee Guddiga Wadatashiga Qaranka.