DIB-U-CURASHADA DHIJITAALKA : ITOOBIYA OO HIIGSANAYSO INAY NOQOTO XARUNTA TIKNOOLAJIYADDA UGU HORREYSA AFRIKA

Sanadihii u dambeeyay, isbeddellada dhinaca tiknoolajiyadda ee Itoobiya ka dhacay ayaa si xawli ah dalka ugu gudbinaya nidaamka casriga ah ee dijitaalka. Dib-u-habaynta siyaasadaha, dhismaha kaabeyaasha dijitaalka ah iyo xoojinta hay’adaha ayaa ka mid ah tallaabooyinka waaweyn ee lagu xaqiijinayo isbeddelkan qaran.

 

Dowladdu waxay waaxda dijitaalka ka dhigtay tiir muhiim u ah kobaca dhaqaalaha dalka, iyadoo si guul leh u dhammaystirtay istaraatiijiyadda Digital Ethiopia 2025. Dadaalladan ayaa Itoobiya u horseeday isbeddel aasaasi ah oo dalka geliyay marxalad cusub oo dhinaca tiknoolajiyadda ah.

 

Furitaanka waaxda isgaarsiinta ee maalgashiga shisheeye, imaanshaha Safaricom Itoobiya iyo casriyeynta Ethio Telecom ayaa door weyn ka qaatay in adeegga internetka uu si ballaaran u gaaro bulshada.

 

Gaar ahaan, adeegyada tiknoolajiyadda 5G oo si ballaaran loo bilaabay ayaa Itoobiya ka dhigay dalalka Bariga Afrika ugu horreeya dhinaca adeegsiga tiknoolajiyadda iyo u-diyaargarowga kaabeyaasha dijitaalka ah.

 

Tani waxay suurtagelisay in la helo is-weydaarsi xogeed oo xawaare sare leh, iyadoo sidoo kale la abuuray jawi ku habboon hal-abuurka tiknoolajiyadda ee mustaqbalka.

 

Casriyeynta kaabeyaasha tiknoolajiyadda ayaa isbeddel weyn ku keentay waaxda maaliyadda. Adeegyada lacag-bixinta dijitaalka ah sida Telebirr ayaa malaayiin muwaadiniin ah u suurtageliyay inay adeegyada iyo wax kala iibsiga ku sameeyaan taleefannadooda, xitaa iyaga oo aan haysan xisaab bangi, taas oo saldhig u noqotay dhaqaale dijitaal ah oo loo dhan yahay.

 

Ballaarinta nidaamka teknoolajiyadda maaliyadeed ayaa sidoo kale u fududeysay ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah inay qaataan lacag-bixinta dijitaalka ah, isla markaana ay kordhiyaan helitaanka adeegyada maaliyadeed. Arrintani waxay dedejisay u gudubka nidaamyadii ganacsi ee aan rasmiga ahayn una gudubka nidaam dijitaal ah oo casri ah oo hufan.

 

Marka ka eegno dhinaca sirdoonka macmalka ah (AI), aasaaska Machadka Sirdoonka Macmalka ah ee Itoobiya ayaa dunida tusay himilada weyn ee dalka. Machadku wuxuu ka shaqaynayaa horumarinta xalal garaad macmalka (AI) oo horay u ogaan karo cudurrada, taas oo gacan ka geysanaysa badbaadinta nolosha dadka.

 

Dhanka waaxda beeraha waxaa laga wadaa hawlo tiknoolajiyadeed oo lagu ogaanayo bacrinta ciidda iyo cudurrada dalagyada. Tani waxay door muhiim ah ka qaadanaysaa xaqiijinta sugnaanta cuntada iyo kordhinta wax-soo-saarka beeraha.

 

Waxaa kale guul weyn oo ka dhalatay isbeddelkan ayaa ah shaqada lagu horumarinayo habaynta luqadaha (NLP), taas oo loogu talagalay in luqadaha maxalliga ah ee Itoobiya ay kaalin tartan leh ku yeeshaan dunida dijitaalka ah. Tani waxay fududeysay in luqadaha Itoobiya lagu dhex daro aaladaha casriga ah ee tiknoolajiyadda, isla markaana ay noqdaan kuwo si sahlan ay isticmaalaashu u adeegsan karaan.

 

Dhanka kale, mashruuca aqoonsiga dijitaalka ah ee qaranka “Fayda” ayaa nidaamiyay xogta muwaadiniinta, isagoo abuuray saldhig xogeed oo la isku halayn karo. Arrintani waxay fududeysay oo dedejisay adeegyada bangiyada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee bulshada.

 

Xilligan muwaadiniintu waxay adeegyo ay ka mid yihiin cusboonaysiinta baasaboorka, qaadashada ruqsadda ganacsiga iyo bixinta canshuuraha ku fulin karaan internetka iyagoo guryahooda jooga. Tani waxay tusaale u tahay natiijooyinka isbeddelka dijitaalka ah, halka Matxafka Sayniska uu noqday xarun kobcisa hal-abuurka iyo awoodda dhalinyarada.

 

Intaa waxaa dheer, waxaa si ballaaran loo wadaa barnaamijyo tababar oo lagu horumarinayo xirfadaha dijitaalka ah ee dhalinyarada iyo xirfadlayaasha. Tani waxay aasaas xooggan u noqonaysaa in Itoobiya ay yeelato shaqaale xirfad leh oo tartan kula geli kara dunida dhinaca tiknoolajiyadda.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015