SHACABKA ITOOBIYA AYAA AWOOD IYO DIYAAR-GAROW U LEH DHISMAHA BIYO -XIREENNO BADAN : - AREGAWI BERHE DR

Addis Ababa, Naaf/Nahaase,13,2018 (ENA) Shacabka Itoobiyaanku waxay leeyihiin awoodda iyo diyaar-garowga ay ku dhisi karaan biyo-xireenno badan, sida uu sheegay Madaxa Fulinta Xafiiska Isku-dubaridka Mashruuca Dhismaha Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u curashada Itoobiya Aregawi Berhe (Dr) 

 

Xafiiska Isku-dubaridka Mashruuca Dhismaha Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya ayaa door weyn ka qaatay isku-dubbaridka ka-qaybgalka shacabka, taas oo gacan ka geysatay in dhismaha biyo-xireenku si guul leh u soo dhammaado.

 

Madaxa Fulinta Xafiiska Aregawi Berhe Dr ayaa Wakaaladda Wararka ee Itoobiya (ENA) u sheegay in Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashadu uu wax ka beddelay fahamkii qalloocnaa ee muddo dheer laga qabay isticmaalka caddaaladda ah ee biyaha Webiga Abay.

 

Waxa uu xusay in si dhab ah loo xaqiijiyay in biyo-xireenku uusan wax dhibaato ah u geysanayn dal kasta, balse uu taa beddelkeeda gobolka isku xirayo dhinaca tamarta.

 

Hase yeeshee, wuxuu xusay Aregawi Berhe Dr in Masar ay xaqiiqadan iska indho-tirayso, isla markaana ay si ballaaran u sii waddo ololihii qaylada iyo jahawareerinta ee ay horey u adeegsan jirtay.

 

Dhanka kale Aregawi Berhe (Dr.) ayaa xusay in Abay uu yahay kheyraad ay tahay in dalalka ku teedsan webiga ay si iskaashi ah uga faa’iidaystaan, balse uusan ahayn hanti gaar ah oo ay leedahay Masar. Sidaas darteed, ayuu xusay waa in la joojiyaa ololaha Masar ee jahawareerinta.

 

Waxa uu sidoo kale caddeeyay in ujeeddada ugu weyn ee Itoobiya ay tahay inay horumar ku gaarto iskaashi iyo wada-shaqeyn.

 

Waxa uu sheegay in Itoobiyaanku ay tusaale cad ka bixiyeen waxa lagu gaari karo iskaashi, kaddib markii ay si wadajir ah u dhiseen Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada , isagoo intaa ku daray in ay awood iyo diyaar-garow u leeyihiin dhismaha biyo-xireenno kale oo badan.

 

Waxa kale oo uu sheegay in intii uu socday dhismaha Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya la helay khibrado badan oo muhiim ah, gaar ahaan dhinaca abaabulka iyo isku-dubaridka shacabka.

 

Ugdamabayn Waxa xusay in khibradahaas ay noqon doonaan ilo muhiim ah oo laga faa’iidaysto mashaariicda horumarineed ee la midka ah ee mustaqbalka la fulin doono.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015