WADATASHIGA QARAN WUXUU SHACABKA ITOOBIYAAN U ABUURAY FURSAD TAARIIKHI AH OO AY SI WADAJIR AH U XALLIYAAN DHIBAATOOYINKOODA . - ENA Af-Soomaali
WADATASHIGA QARAN WUXUU SHACABKA ITOOBIYAAN U ABUURAY FURSAD TAARIIKHI AH OO AY SI WADAJIR AH U XALLIYAAN DHIBAATOOYINKOODA .
Wolqite :12-ka Nehase 2018 (EZA) Qaybo kala duwan oo bulshada ku nool deegaanka Bartamaha Itoobiya ayaa sheegay in wadatashiga qaran uu shacabka Itoobiya u abuuray fursad taariikhi ah oo ay si wadajir ah uga tashadaan uguna helaan xal dhibaatooyinka qaran ee soo jireenka ahaa.
Wadatashiga qaran ee loogu talagalay in si wadajir ah looga doodo laguna xalliyo dhibaatooyinka Itoobiya soo jiitamayay muddo dheer ayaa magaalada Addis Ababa, gaar ahaan Xarunta Shirarka Caalamiga ah, ka socday tan iyo 8-da Hamle 2018.
Waxaa sidoo kale la sheegay in wadatashiga qaranku uu abuuray rajo weyn oo muwaadiniintu ku gaari karaan is-afgarad ku saabsan arrimaha dalkooda, iyadoo si gaar ah loo muujiyay ka-qaybgalka ballaaran ee geeddi-socodka.
Wakalada Wararka Itoobiya ( ENA) ayaa arrintan waraysi kale yeelatay qaarkamida dadka meelo kala duwan oo ka tirsan deegaanka Bartamaha Itoobiya ayaa sheegay in wadatashigu yahay fursad taariikhi ah oo Itoobiyaanka gudaha iyo dibaddaba ay si wadajir ah uga tashan karaan una xallin karaan dhibaatooyinka qaran ee muddo dheer aan xal loo helin.
Ugu horeyn Farshaxan-yahan sawir-qaade iyo xardheeye ah Chebsa Mecha oo ka tirsan dadka ku nool Aagga Yem, ayaa dhankiisa xusay in wadatashiga qaran ay ka qaybgalayaan wakiillo ka kala socda dhammaan qaybaha bulshada, isla markaana madashu ay martigelinayso kala-duwanaanshaha fikradaha.
Waxa uu sheegay in marka laga soo tago doorka uu wadatashigu ku leeyahay xal u helidda khilaafaadkii hore iyo xaqiijinta nabad waarta, uu sidoo kale aasaas u yahay horumarinta dhaqanka ah in dhibaatooyinka lagu xalliyo wada-hadal.
Dhanka kale Mudane Zewge Mulugeta oo ku nool Aaga Bariga Gurage ayaa isna xusay Dhankiisa in wadatashiga qaran uu Itoobiyaanka u abuuray fursad taariikhi ah oo ay si wadajir ah uga tashadaan kala-duwanaanshaha iyo khilaafaadka jira.
Waxa uu xusay in wadatashiga oo diiradda saaraya arrimaha waaweyn ee qaranka halkii uu ka eegi lahaa dano gaar ah uu door muhiim ah ka qaadan karo dhismaha dal wadaag ah oo nabad iyo horumar leh, isagoo tilmaamay in siddeedda ajande ee si gaar ah loo soo bandhigay ay muhiim u yihiin xal u helidda dhibaatooyinka muddada dheer jiray.
Maareeyaha Xarunta Dhaqanka iyo Ururka Horumarinta Qebena ee Degmada Gaarka ah ee Qebena mudane Mohamed Hassan ayaa isna Dhankiisa xusay in Itoobiyaanka oo si wadajir ah u fadhiista kuna wada tashada madasha wadatashigu ay xoojinayso ka-qaybgalka iyo kaalinta ay ku leeyihiin arrimaha dalkooda.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray in wadatashigu gacan ka geysan karo in dhibaatooyinka murugsan ee muddo dheer aan xal loo helin lagu xalliyo hab ilbaxnimo leh, isla markaana lagu dhiso midnimo qaran.
Waxay sheegeen in habka wadatashiga oo loo wado si loo dhan yahay uu, marka laga soo tago inuu yahay fursad taariikhi ah, sidoo kale keeni karo natiijo wanaagsan iyadoo laga fogaanayo ka-reebistii jirtay xilliyadii hore.
Dhankiisa Farshaxan-yahan Negash Sija oo ka tirsan Degmada Gaarka ah ee Mareko ayaa xusay in wadatashiga qaranka oo si loo dhan yahay loo wado uu door muhiim ah ka qaadanayo abuurista is-afgarad dhex mara Itoobiyaanka, iyadoo wadatashigu haatan marayo marxaladdiisa ugu dambeysa.
Ugu dambeyn waxa uu sidoo kale xusay inuu aaminsan yahay in ajandayaasha loo asteeyay in looga doodo shirweynaha wadatashigu ay suuragal ka dhigi karaan in si aasaasi ah loo xalliyo dhibaatooyinka qaran ee muddo dheer aan xal loo helin.