Barnaamijka Raadka Cagaaran : Ilaalinta Deegaanka Illaa Madaxbannaanidda Cuntada.

Noolaynta Deegaanka iyo Badbaadinta Dhulka: Isbeddelka Uu Keenayo Barnaamijka Raadka Cagaaran.

 

 

Sannadkii 2019, dowladda Itoobiya waxay bilowday barnaamij lagu magacaabo Raadka Cagaaran (GLI); Barnaamijkan wuxuu ka mid yahay dadaallada ugu waaweyn ee lagu badbaadinayo deegaanka waddanka. Xogta rasmiga ah ee Wasaaradda Beeraha iyo hay'adaha dowladda waxay muujinayaan isbeddel wax ku ool ah oo dhanka deegaanka, dhaqaalaha, iyo bulshada ah.  

 

​Dhinaca Cagaarinta Deegaanka

Tobankii sano ee u dambeeyay, kaymaha waddanka waxay hoos u dhaceen illaa boqolkii 3; Tani waxay ka dhalatay carro guurka, abaaraha cusub, iyo in ahamiyaddii loo baahnaa lasiin waayo ilaalinta deegaanka. 

 

Barnaamijka Raadka Cagaaran wuxuu hiigsanayay in lagu beero bilyano geed si loo soo celiyo dhulkii abaarta ahaa.

 

 

​Sida ku xusan warbixinnada dowladda:

Daboolka Kaymaha: Waddanka wuxuu kordhiyay baaxadda kaymaha ayaa wuxuu ka soo baxay boqolkii 17.2 una gudbay boqolkii 23.6.  

 

Kala duwanaanshaha Noolaha, waxaa dib loogu soo celiyay goobihii deegaanka ee meesha ka baxay. Geedo noocyo kala duwan leh ayaa la beeryay si looga hortago carro-guurka iyo dooxyada biyo-mareenka ah.  

 

​Faa'iidooyinka Dhaqaalaha iyo Bulshada

​Barnaamijku ma aha oo keliya mid deegaanka la xiriira, ee sidoo kale wuxuu saameyn toos ah ku yeeshay nolosha dadka:

 

Dhinaca shaqo Abuurka: In ka badan 1.2 milyan oo shaqooyin yaryar ama shaqooyinka cagaaranta (green jobs) ah ayaa la xaqiijiyay. Inta badan shaqooyinkan waxaa ka faa'iideystay dhallinyarada iyo dumarka.  

 

Dhinaca Amniga Cuntada, Geedaha la beero, oo ay ka mid yihiin kuwa dhala miraha sida afokaadhada, cambaha, iyo babayga, ayaa caawiyay dakhliga kaydka ehelada rasmiga ah iyo cunto-soosaarka.

​U Diyaar-garowga Isbeddelka Cimilada

Barnaamijku wuxuu qeyb ka yahay awwood siinta sharciga la tacaalidda isbedrlka iyada oo la adeegsanayo horumarka cagaaran.

 

 Geedaha la beeryay waxay guryaha ka ilaaliyeen masiibooyinka dabiiciga ah. Waxay nuugeen wax ka badan 297 milyan oo ton oo kaarboon dioxide ah.  

 

Isku soo duubosho, Barnaamijka Raadka Cagaaram wuxuu muujiyay sida dadku u wada shaqeeyaan iyo sida dowladdu u qorshayso in deegaanka dib loo dhiso. Tani waxay abuurtay mustaqbal cagaaran oo qof walba mas'uuliyad ka saaran tahay.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015