HORUMARKA DHAQAALE EE ITOOBIYA WUXUU KEENAYAA NATIIJOOYIN LA YAAB LEH OO DARDAR GELINAYA KOBACA :- KHUBARO DHAQAALE OO CAALAMI AH - ENA Af-Soomaali
HORUMARKA DHAQAALE EE ITOOBIYA WUXUU KEENAYAA NATIIJOOYIN LA YAAB LEH OO DARDAR GELINAYA KOBACA :- KHUBARO DHAQAALE OO CAALAMI AH
Addis Ababa, 11-ka Nehaase 2018 (ENA) Khubaro dhaqaale oo caalami ah oo ka tirsan jaamacadaha sare ee Maraykanka ayaa xusay in horumarka dhaqaale ee kala duwan ee Itoobiya uu keenayo natiijooyin la yaab leh oo dardar gelinaya kobaca dhaqaalaha.
Professor-ka Maraykanka ah Edward Miguel iyo Professor-ka dhaqaalaha ee u dhashay Cameroon Linus Newell, ayaa Wakaaladda Wararka ee Itoobiya (ENA) u sheegay in Itoobiya sannadihii la soo dhaafay ay dhinacyo kala duwan ka samaysay koboc iyo isbeddel la yaab leh.
Professor Edward Miguel oo ah Professor-ka dhaqaalaha ee Jaamacadda California Berkeley ee Maraykanka, ayaa sheegay in isbeddelka uu ku arkay Addis Ababa markii uu Itoobiya ku soo laabtay sagaal sano kadib uu ahaa mid aad u layaab badan.
Waxa uu sheegay in koboca cajiibka ah ee magaalonimada iyo isbeddelka horumarineed ee Addis Ababa uu si weyn u beddelay muuqaalka goobihii uu hore u yaqaannay, taas oo xitaa ku adkaysay inuu mar kale aqoonsado.
Waxa uu sidoo kale oo uu xusay in ahmiyadda gaarka ah ee dowladda Itoobiya siisay kaabeyaasha magaalooyinka ay dardar gelinayso koboca dhaqaalaha isla markaana ay keenayso isbeddel aasaasi ah.
Waxay xuseen in natiijooyinka laga gaaray horumarinta magaalooyinka, dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo la qabsiga isbeddelka cimiladu ay yihiin guulo la yaab leh oo muujinaya sida ay Itoobiya uga go’an tahay horumarka.
Waxay sidoo kale tilmaameen in tallaabooyinka dib-u-habaynta siyaasadaha ee Itoobiya ka qaadday dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha ay dardar gelinayaan kobaca isla markaana keenayaan natiijooyin wanaagsan.
Dhanka isbeddelka cimilada ayuu xusay in tallaabooyinka ay Itoobiya qaaday, oo ay ku jiraan hirgelinta barnaamijyo bulsho iyo nidaamyo maaliyadeed oo cusub, si ay u kordhiso awoodda ay ugu adkaysan karto saameynta isbeddelka cimiladu ay yihiin kuwo mudan in la bogaadiyo.
Waxay sidoo kale sharaxeen in xilli Afrika ay si weyn ugu nugushahay abaaraha iyo fatahaadaha, ay muhiimad gaar ah leeyihiin go’aanka dowladda iyo dadaallada hadda ka socda dhinacan.
Professor Linus Newell oo u dhashay Cameroon, ahna khabiir dhaqaalaha ka dhiga Gettysburg College ee Pennsylvania ee casriga Maraykanka ayaa dhankiisa xusay in Itoobiya ay dhinacyo kala duwan oo dhaqaalaha ah ka samaynayso koboc la yaab leh.
Waxa uu sheegay in barnaamijyada horumarineed ee cajiibka ah ee Itoobiya qaaday si ay uga hortagto saameynta isbeddelka cimiladu aysan oo keliya dardar gelinayn koboca dalka, balse ay sidoo kale suurtagelinayaan in la dhiso awood dhaqaale oo cagaaran.
Waxa kale oo uu xusay in horumarka ay Itoobiya ka samaynayso dhismaha dhaqaale cagaaran oo u adkaysan kara isbeddelka cimiladu uu yahay waayo-aragnimo muhiim ah oo faa’iido u yeelan karta dalalka kale ee Afrika.
Ugu dambayn Waxa uu ku boorriyay dowladda Itoobiya inay mustaqbalka sii xoojiso wax-ku-oolnimadeeda dhinacyada ka hortagga iyo la qabsiga isbeddelka cimilada, isla markaana ay sii xoojiso kaalinteeda hoggaamineed ee qaaradda.