WADATASHIGA QARANKA OO LAGU SOO BANDHIGAY FIKRADO LOO DHAN YAHAY OO DHISAYA IS-AFGARADKA GUUD – ERGOOYINKA SHIRKA WADATASHIGA

Addis Ababa,Naaf 11/2018 (ENA ) Hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed ee ka qaybgalaya Wadatashiga Qaran ee dalka ayaa sheegay in madasha wadatashigu ay tahay meel si xor ah looga soo bandhigay fikrado loo dhan yahay oo ka qaybgal leh, kuwaas oo dhisaya is-afgarad guud.

 

Shirka Wadatashiga Qaran ee Itoobiya ayaa tan iyo 8-da bisha Hamle ee sannadka 2018-ka T.I. ka socday Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis.

 

Wadatashiga waxaa ka qaybgalaya ku dhowaad 4,000 qof oo ku nool gudaha iyo dibadda dalka, kuwaas oo dood iyo wadahadal ka yeelanaya siddeedda ajande ee waaweyn, iyagoo ku tallaabsanaya sidii loo gaari lahaa is-afgarad guud.

 

Hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed ee fikirradooda siiyey Wakaaladda Wararka ee Itoobiya (ENA) ayaa xusay in Itoobiya ay muddo dheer la daalaa-dhacaysay caqabado qaran oo soo jireen ah.

 

Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen in geeddi-socod wadatashi qaran uu yahay arrin muhiim ah oo lagama maarmaan u ah in si waarta loo xalliyo dhibaatooyinkaas, isla markaana dalka loogu gudbiyo heer ka wanaagsan kan uu hadda joogo.

 

Waxay tilmaameen in geeddi-socodka ilaa hadda uu abuurayo jawi ku habboon oo lagu raadinayo xal waara oo wax looga qabto dhibaatooyinka qaran ee muddada dheer soo jiray.

 

Ugu horreyn guddoomiyaha dhaqdhaqaaqa dimuqraadiga shacabka Gumuz ahna ergooyinka shirka Wadatashiga Qaran Girayn Gudheta ayaa dhankiisa xusay in wadatashigu muhiim u yahay xaqiijinta nabad waarta iyo gaaritaanka barwaaqo dhinac walba ah oo dalka ah.

 

Waxa uu intaas ku daray in wadatashigu yahay madal ay ka soo baxayaan fikrado loo dhan yahay oo xoojinaya is-afgaradka guud, isla markaana dhagax-dhig u noqon kara aasaas adag oo lagu dhiso dalka.

 

Dhankiisa guddoomiyaha ururka midowga dimuqraadiga Itoobiya Gebru Berhe, ayaa dhankiisa xusay in geeddi-socodka wadatashigu uu door weyn ka qaadanayo abuurista jiil iyo bulsho aaminsan wada-hadalka.

 

Waxa uu intaas ku daray in madasha ay ka socdaan wadaxajood wax-ku-ool ah oo muhiim u ah xaqiijinta nabad waarta iyo gaaritaanka is-afgarad guud oo dalka ah.

 

Wakiilka Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Xorriyadda Sidhama Simachew Engiso ayaa xusay Dhankiisa in tani ay tahay markii ugu horreysay taariikhda Itoobiya ee tiro intan le’eg oo dad ah ay hal meel isugu yimaadaan si ay uga wada tashadaan arrimaha dalka.

 

Waxa uu xusay in arrintani ay Itoobiya u suurtagelin karto inay xoojiso qaran-nimadeeda iyo wadajirka bulshada, isla markaana ay door wanaagsan ka qaato arimha caalamka. 

 

Madaxweynaha Xisbiga Midnimada Qaranka Itoobiya Zerihun Gebre-Egziabher, ayaa dhankiisa xusay in fikradaha si xor ah loo soo bandhigo iyo in si daahfuran looga wada hadlo ay yihiin aasaas weyn oo muhiim u ah xaqiijinta nabad waarta iyo dhismaha qaranka.

 

Ugu dambayn Ergooyinku waxay carrabka ku adkeeyeen in qodobada ay ku soo bandhigeen doodaha ballaaran ee kooxaha ay si qoto dheer oo ballaaran u taabanayaan ajandayaasha qaranka, sidaas darteedna geeddi-socodka wadatashigu uu door muuqda ka qaadan karo xaqiijinta nabad waarta oo dalka ka hirgasha.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015