Deegaannada roobka karamta ka faa'iideysta oo helaya roob dhexdhexaad ah illaa mid xooggan 10-ka maalmood ee soo socda

Addis Ababa; Naafa 7/2018 (ENA)፦ haayada Saadaasha Hawada ee Itoobiya ayaa sheegay in 10-ka maalmood ee soo socda deegaannada dalka ee ka faa'iideysta roobka Karamta ay heli doonaan roobab u dhexeeya kuwo dhexdhexaad ah illaa kuwo xooggan.

Sida ku xusan warbixinta uu hayaadu ay soo saartay, deegaannada ayaa si ballaaran u heli doona roobab dhexdhexaad ah iyo kuwo waaweyn. hayadu waxay tilmtay in qaybaha Koonfur-galbeed, Galbeedka, Waqooyi-galbeed, Waqooyiga, Badhtamaha, Bariga, iyo Waqooyi-bariga ee dalku ay heli doonaan xaddiga roobka ugu wanaagsan.

Sidoo kale, maadaama ay sii kordhayso qoyaanka hawada ee deegaannada Galbeedka, Waqooyi-galbeed, Koonfur-galbeed, iyo Badhtamaha dalka, waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka da'aan roobab dhexdhexaad ah illaa kuwo xooggan. Deegaannada Waqooyi-bari, Bariga, iyo Koonfurta dalkana waxaa la filayaa inay helaan roobab fudud illaa kuwo dhexdhexaad ah.

Machadku wuxuu kaloo u cadeyay in isbadellada hawada ee marmar ka dhaca qaybaha Waqooyi-galbeed, Koonfur-galbeed, Badhtamaha, Galbeedka, iyo Waqooyi-bariga dalka ay sababi karaan roobab waaweyn oo keeni kara daadad iyo fatahaad .

Baaq loo direy Beeralayda iyo Xoolo-dhatada

Hayadu waxy ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaannada in ay ka faa'iideysta roobka Karamta, beeralayda, xoolo-dhatada, iyo beeralay-xoolo-dhatada si hordhac ah oo tehfidh leh uga faa'iideystaan qoyaankan 10-ka maalmood ee soo socda si ay waxsoosaarkooda beeraha u noqdo mid miro-dhal ah.

Tallaabooyinka lagu taliyay in la qaado waxaa ka mid ah:

beerista dalagyada mudada gaabn ku baxa .

Ka hortagga cudurrada dalagyada iyo haramaha iyadoo la adeegsanayo tallaabooyin hordhac ah.

Dharxinta ama hagaajinta kanaallada/mufasaasha biyaha ee beeraha godan ama jiirarka ah.

Deegaannada roobku ku yar yahay waxay ka shaqayn karaan ururinta biyaha roobka iyo dhul-simida/ilaalinta carro-guurka ama dhul-go'a.

Isticmaalka bacriminta waqtiga ku habboon.

Deegaannada helaya roobka fudud illaa midka dhexdhexaadka ah, waxaa la xaqiijin doonaa in qoyaanka jira ay ku bix karaan waxsosaarka , iyadoo loo adeegsanayo habab dhimaya qalalka, biyaha carrada ka dhex jira, iyo sidoo kale daryeelidda iyo diyaarinita dhul-daaqsiinka xoolaha.

Ugu dambayntii,haayadu waxay ku talisay in dhinacyada khuseysa ay ka warqabaan saamaynta biyaha xad-dhaafka ah ay ku yeelan karaan mayadaha biyaha, ayna qaadaan tallaabooyin ka hortag ah oo looga gaashaamanayo daadadka, dhul-go'a, iyo samaynta daadka sorogmada amaba fatahaadaha fbiyaha

Wakaalada Warka Itoobiya
2015