Kooxaha loo xilsaaray iskuwaafajinta fikradaha laga soo-jeediyay shirka wada-tashiga ayaa maantaniska danbe bilaabaya shaqadooda. - ENA Af-Soomaali
Kooxaha loo xilsaaray iskuwaafajinta fikradaha laga soo-jeediyay shirka wada-tashiga ayaa maantaniska danbe bilaabaya shaqadooda.
Addis Ababa, Naafa 7/2018 (ENA): Taliye ku-xigeenka Guddiga Wada-tashiga Qarranka ee Itoobiya, Hirut Gebreselassie, ayaa sheegtay in siddeedda kooxood ee loo dhisay inay isku duwaan fikradaha laga sojediyay shirka wada-tashiga qarranka ee socda ay maanta galabta bilaabi doonaan shaqadooda.
Waxay sheegtay in kooxaha oo ay ka kooban yihiin 500 oo kaqaybgalyaal ah ay ku jireen wada-tashi dhexdooda ah, maantana iyadoo badankoodu is la gaafeeyeen ay ku dhameystirayaan saniyanada iyo saxiixa soo-jeedintaha.
Taliye ku-xigeenku waxay tilmaamtay in kaqaygalayaashu ay is xaqiijiyeen oo ay ka gaareen hal arti/fikrad oo ka dhaxeysa, iyadoo siddeedda kooxoodba ay ku dhawaaqayaan inay soo gaba-gabeeyeen shaqadooda kadib marka ay ka heshiisay arrimaha ugu badan.
Waxay sidoo kale sheegtay in siddeedda kooxood ee loo dhisay inay isku duwaan soo-jeedintaha ay maanta galabta guda-gali doonaan shaqadooda.
Kooxahan ayaa loo xilsaaray inay ka shaqeeyaan in soo-jeedinta la soo bandhigayo ay noqdaan kuwo isku mid ah oo nidaamsan.
Waxay intaa ku dartay in shahsiyaadka, kooxaha, ama xisbiyada siyaasadda ee soo buuxiya cabashooyinka, looga jawaabi doono oo go'aan lagaga gaari doono iyadoo la raacayo nidaamka xallinta cabashooyinka ee u yaalla guddiga.
Isaga oo tilmaamaya in saddex ka mid ah afarta qaybood (3/4) ee shaqada ay soo gaba-gabawday, taliye ku-xigeenku wuxuu sheegay in wejiga xiga uu noqon doono mid shaqadii dheerayd ee loo soo dhibtooday natiijadeeda wanaagsan loogu bishaareyn doono shacabka Itoobiya.