Teknoolajiyadu waxay muhiim u tahay dhismaha ciudan casri ah oo ilaaliya madaxbannaanida iyo danaha qaranka" – Field Marshal Birhanu Jula - ENA Af-Soomaali
Teknoolajiyadu waxay muhiim u tahay dhismaha ciudan casri ah oo ilaaliya madaxbannaanida iyo danaha qaranka" – Field Marshal Birhanu Jula
Addis Ababa, 7 Naaf 2018 (ENA): Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Itoobiya Field Marshal Birhanu Jula, ayaa sheegay in teknoolajiyadu ay tahay mid si weyn lagama maarmaan u ah dhismaha ciudan casri ah oo difaaci kara madaxbannaanida iyo danaha qaranka.
Ciidamada Difaaca Itoobiya iyo Machadka garaadka macmaalka (AI) ee Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis is-faham oo u suurtagelinaya in lagu xojinaayo cidan difaac oo casri ah oo ku disan teknoolajiyada garaadka macmalka ah (AI).
Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaac Field Marshal Birhanu Jula, ayaa sheegay in dhismaha Machadka garaadka macmalka ee Itoobiya uu ciidamka u leeyahay taageero iyo waxtar weyn.
Wuxuu xusay in adeegsiga teknoolajiyada AI ay tahay mid muhiim u ah dhismaha ciudan casri ah oo awood u leh inay ilaaliyaan madaxbannaanida iyo danaha qaranka.
Agaasimaha Guud ee Machadka garadka macmalka ee Itoobiya, Dr. Worku Gachena, ayaa dhankiisa sheegay in teknoolajiyada AI ay waxtar u leedahay ciidamada difaaca, gaar ahaan dhinacyada dhismaha awoodda ciidanka dhulka, ciidanka cirka, iyo dhanka amniga saayber-ka .
Wuxuu sidoo kale muujiyay in machadku uu si buuxda ugu qanacsan yahay uuna u go'an yahay inuu taageero ciidamada difaaca qaranka.
Xogta laga helay Machadka ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta awoodda ciidanka iyadoo la adeegsanayo AI, gaar ahaan dhinacyada loojistikada, tababarrada, amniga saayber-ka, daryeelka caafimaadka ciidanka difaaca, iyo sidoo kale ciidanka cirka iyo dagaalka elektaroonigga ah