DADAALLADA LAGU SOO SAARAYO SHAQAALO XIRFAD LEH OO CYBERSECURITY AH OO LA XOOJINAYO - ENA Af-Soomaali
DADAALLADA LAGU SOO SAARAYO SHAQAALO XIRFAD LEH OO CYBERSECURITY AH OO LA XOOJINAYO
Addis Ababa, Naaf 6 2018 (ENA) Agaasimaha Guud ee Hay’adda Amniga Shabakadda Macluumaadka (INSA) ee Itoobiya Teygist Hamid ayaa xustay in la sii xoojin doono dadaallada lagu soo saarayo shaqaale aqoon iyo xirfad u leh amniga Cyber,ka kuwaas oo muhiim u ah dhismaha nidaam amni-cyber oo la isku halayn karo oo Itoobiya yeelato.
Barnaamijka tababarka dhalinyarada ee Wareegga 5aad ee Kaamka Xagaaga ee Hibada Qaranka ee Cyber-ka ayaa ka bilaabmay Jaamacadda Sayniska iyo Teknolojiyadda ee Addis Ababa.
Barnaamijkan waxaa qabanqaabinaysa Hay’adda Amniga Shabakadda Macluumaadka (INSA), waxaana looga gol leeyahay in lagu kobciyo da’yarta iyo dhallinyarada xiisaha u qaba dhinacyada cybersecurity-ga iyo teknoolojiyadda.
Barnaamijka waxaa lagu daray dhinacyada Cybersecurity-ga, horumarinta software-ka, coding-ka, duulista hawada, teknoolojiyadda aerospace-ka iyo sirdoonka macmalka ah (AI).
Diyaarinta naqshadaha hardware-ka iyo amniga (security) ga ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha kale ee uu tababarku diiradda saarayo.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Amniga Shabakadda macluumaadka Teygist Hamid ayaa intii ay munaasabadda socotay sheegtay in xaqiijinta amniga sayberku ay muhiim u tahay in si guul leh loo hirgeliyo isbeddelka dijitaalka ah ee Itoobiya.
Waxa kale oo ay xustay in loo baahan yahay shaqaale ku hubaysan xirfad iyo aqoon, iyadoo sheegtay in hay’addu, iyadoo la kaashanaysa dhinacyada ay khusayso, ay sii xoojinayso dadaallada lagu horumarinayo awoodda iyo tayada shaqaalaha.
Waxay xustay in barnaamijka tababarka Kaamka Xagaaga uu qayb ka yahay dadaalladaas, iyadoo dhanka kale xustay in barnaamijku door weyn ka qaadanayo soo saarista jiil cusub oo noqon doona rajada Itoobiya ee mustaqbalka.
Waxay sidoo kale xustay in barnaamijka tababarku uu ka bilaabmay Jaamacadda Sayniska iyo Teknolojiyadda ee Addis Ababa, iyadoo tilmaantay in xilligan tababarka laga bixinayo sidoo kale jaamacadaha Bahir Dar, Jimma, Wolaita Sodo iyo Haramaya, iyo sidoo kale xarunta hay’adda.
Dhankiisa Madaxweynaha Jaamacadda Sayniska iyo Teknolojiyadda ee Addis Ababa Asrat Atsedheweyn (Dr.) ayaa xusay in si loo xaqiijiyo barwaaqada guud ee Itoobiya ay muhiim tahay in la helo jiil cusub oo dalka la wareega, kaas oo ku qalabaysan awood farsamo iyo aqoon teknoolojiyadeed.
Madaxweynaha Jaamacadda Sayniska iyo Teknolojiyadda ee Addis Ababa Asrat Atsedheweyn (Dr.) ayaa sheegay in dadaalka ay Hay’adda Amniga Shabakadda macluumaadka bilowday ee lagu soo saarayo jiil cusub uu yahay mid mudan in la bogaadiyo, sido kale xaqiijiyey in jaamacaddu ay qaadan doonto doorkeeda ku aaddan guusha barnaamijka.
Ugu damabayn wuxuu tababarayaasha ku boorrisay inay fahmaan inay saaran tahay masuuliyadda u adeegidda Itoobiya, ayna tahay inay si habboon uga qaybqaataan tababarka si ay u kasbadaan aqoonta iyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadkooda