SHIRQOOLADA QAAHIRA:WARBIXINTA CNNTA OO DAAHA KA ROGTAY XAQIIQADA ITOOBIYA.

Taariikh ahaan istaraatiijiyadda ugu weyn ee Masar ay ku doonaysay inay si gaar ah ugu maamusho una isticmaasho Webiga Niil waxay ku dhisnayd aragtida ah in ‘Itoobiya xooggan oo xasilloon ay khatar ku tahay Qaahira.’ Sidaas darteed, dowladihii kala dambeeyay ee Qaahira waxay muddo dheer ku dadaalayeen sidii Itoobiya looga hor istaagi lahaa inay xasisho, horumariso awooddeeda, isla markaana ka faa’iidaysato khayraadkeeda.”

Dhacdooyin taarii

 

 


khi ah awgood, Masar oo samaysay isku dayo badan oo ay ku doonaysay inay si buuxda gacanta ugu dhigto halka uu ka soo bilowdo Webiga Niil, waxay guuldarro qadhaadh kala kulantay Itoobiyaanka dagaalladii taariikhiga ahaa ee Gundet (1875) iyo Gura (1876). Kadib markii ay ka soo laabatay dagaallo toos ah, Qaahira waxay beddeshay xeeladdeedii, iyadoo u wareegtay habka ‘faragelinta iyo qalqal gelinta gudaha.

Tani waxay ahayd in la isku dayo in dowladda Itoobiya laga leexiyo diiradda iyo awoodda dhaqaale ee ay ku bixin lahayd mashaariicda horumarineed (gaar ahaan Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya iyo kaabayaasha dhaqaalaha), loona weeciyo dhinaca sugidda amniga; sidoo kalena in dalka lagu riixo qalalaase gudaha ah oo aan dhammaad lahayn. Sidaas darteed, waxaa la sheegay in ay muddo waday qorshayaal kala duwan oo arrimahaas lagu doonayay.

 

Markii arrintaasi aysan u hirgelin, waxay sidoo kale adeegsatay faafinta warar been abuur ah iyo xog aan sax ahayn, taas oo ay u adeegsanaysay hab kale oo ay ku gaarto ujeeddooyinkeeda; welina la sheegay inay adeegsanayso.

Aqoonyahannada siyaasadda iyo diblomaasiyiinta Masar ayaa tan iyo markii la bilaabay dhismaha Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD) faafinayay aragti ay ku sheegayaan in “biyo-xireenku uu waxyeello weyn u geysan doono dalalka hoose ee webiga ku teedsan”, iyagoo sidaas ugu gudbinayay bulshada caalamka xog marin-habaabin ah.

Si kastaba ha ahaatee, hoggaaminta iyo bixiyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) oo lagu tilmaamay mid xeelad iyo aragti fog leh, Itoobiya waxay ku guulaysatay inay ka gudubto cadaadisyada dibadda iyo caqabadaha gudaha, isla markaana ay mashruucan weyn gaarsiiso dhammaadkiisa.


 

Tani waxay noqotay tusaalaha ugu weyn ee fikradda “Medemer” (isku-darka iyo wada-shaqaynta), taas oo ah in caqabadaha loo beddelo fursado.

Kadib hirgelitaanka biyo-xireenka, cabashooyinka soo noqnoqda ee Qaahira iyo dacaayadaha qalloocan ee ay faafinaysay, inkastoo ay muddo qaadatay, haddana xaqiiqada dhabta ah ayaa si tartiib ah uga soo baxaysa indhaha caalamka.

Warbixintii ay wariyaha Victoria Rubadiri ku soo bandhigtay barnaamijka billaha ah ee CNN ee “Connecting Africa” ayaa loo arkaa mid ka mid ah tusaalooyinka muujinaya xaqiiqadaas.

Wariyaha Victoria Rubadiri, oo ku guuleysatay abaalmarinta BBC-da ee Komla Dumor sannadkii 2020, ayaa booqatay goobta uu ku yaallo Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya ee magaalada Guba, waxayna warbixinteeda ku soo bandhigtay xaqiiqooyin la taaban karo oo meesha ka saaraya sawirkii ama aragtidii mala-awaalka ahayd ee Qaahira ka faafinaysay mashruuca, iyadoo u soo bandhigtay bulshada caalamka.

Astaanta Injineernimada iyo Wadaaga Horumarka

CNN waxay warbixinteeda ku muujisay in mashruuca Biyo-xireenka Dib-u-curashada Itoobiya (GERD) uusan ahayn “shirqool been ah” oo muddo sannado ah laga sheegay, balse uu yahay tusaale muujinaya heerka sare ee injineernimada, kaas oo hirgalay dadaalka ay sameeyeen malaayiin Itoobiyaan ah oo ku hawlanaa dhinacyada injineernimada iyo dhismaha.

Inkasta oo dowladda Masar ay isku dayday inay biyo-xireenka u muujiso il khatar ah, haddana warbixinta CNN waxay sharaxday in biyo-xireenku aanu u adeegayn Itoobiya oo keliya, balse uu yahay madal horumar wadaag ah oo faa’iido u leh guud ahaan gobolka.

Mashruucan weyn, oo si rasmi ah loo daahfuray maskaram/Sebtembar 2025, wuxuu kordhiyay awoodda koronto ee dalka, isagoo iftiin iyo adeeg koronto gaarsiinaya malaayiin muwaadiniin ah.

Waxa kale oo uu si cad u muujiyay in biyo-xireenku yahay qayb ka mid ah dadaalka Itoobiya ay ugu jirto sidii ay uga bixi lahayd saboolnimada una gaari lahayd horumar dhaqaale.

Warbixinta ay soo jeedisay wariyaha Rubadiri waxay meesha ka saaraysaa cabashooyinka soo noqnoqda iyo eedeymaha Masar iyadoo ku salaynaysa saddex qodob oo waaweyn.

Mabda’a wada-faa’iidaysiga ፦

Waxay muujisay in biyo-xireenku uusan waxyeello u geysanayn dalalka ku yaalla dhulka hoose ee webiga, balse uu door wanaagsan ka qaadanayo hagaajinta socodka biyaha iyo yareynta carro-dhaca. Sidoo kale waa mashruuc ku salaysan mabda’a wada-faa’iidaysiga, iyadoo ay ku dartay aragtida maamulaha dhismaha biyo-xireenka, Injineer Kifle Horo.

Muujinta iskaashiga gobolka፦

Biyo-xireenku ma aha oo kaliya inuu Itoobiya u horseedayo dakhli ay ka hesho iibinta korontada, balse wuxuu sidoo kale isku xirayaa dalalka gobolka dhinaca tamarta iyo dhaqaalaha. Tani waxay xaqiijinaysaa aragtida dowladda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr), taas oo ah “in si wadajir ah loo horumaro lana is-caawiyo”. Waxay sidoo kale muujinaysaa in mashruucu yahay mid taageeraya himilada horumar wadaagga gobolka, ee aanu ahayn sida Masar sheegtay mid keeni kara xasillooni-darro gobolka.

Horumar dhaqaale diirada saaray nolosha dadka :-

Sida uu si cad u sheegay Teewodros Mekonnen, madaxa Itoobiya ee Xarunta Kobaca Caalamiga ah (International Growth Centre - IGC), ee lagu soo daray warbixinta CNN; Itoobiya oo 70% dadkeedu ay ka yar yihiin 30 sano, waxay 15 sano ka hor lahayd dakhli qofkiiba oo ka hooseeyay celceliska, balse hadda waxay ka mid noqotay dalalka Afrika ee leh dhaqaalaha waaweyn.

Biyo-xireenkuna wuxuu qayb ka yahay dadaalka lagu doonayo in awoodda dhalinyaradaas loogu beddelo wax-soo-saar joogto ah.

GUNAANADKII ፦

Guud ahaan, warbixinta CNN waxay si cad u muujisay in ololaha diblomaasiyadeed iyo dacaayadeed ee Masar ay ka waddo iyadoo ku salaynaysa biyo-xireenka uu yahay mid siyaasadeed, isla markaana aan waafaqsanayn xaqiiqada cilmiga iyo tan dhabta ah ee dhulka ka jirta.

Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD), oo ku hirgalay awoodda gudaha iyo hoggaan qaran oo xeeladaysan, ma aha khatar waxyeello u geysanaysa dal kasta, balse waa mashruuc horumarineed oo qaabaynaya mustaqbalka dhaqaale ee Itoobiya, isla markaana isku xira dalalka gobolka Afrika dhinaca tamarta iyo ganacsiga.

Iftiinka guushan taariikhiga ah ee ka dhashay fikirka “Medemer” (isku-darka iyo wada-shaqaynta) wuxuu sii wadaa inuu iftiimiyo gobolka oo dhan.

#Wakalada _Wararka _ itoobiya#ENA#

Wakaalada Warka Itoobiya
2015