HORUMARKA KAABAYAASHA DHIJITAALKA DALKA OO XOOJINAYA ADEEGYADA BULSHADA IYO KA FAAIIDAYSIGA SHACABKA :-BURUUK TAAYE (DR)

Addis Ababa, Afagaal, 29,2018 (ENA) – Agaasimaha guud ee hay’adda Ethiopia Investment Holdings Buruuk Taye (Dr.) ayaa sheegay in horumarka dowladda wadajirka samaysay kaabayaasha dhijitaalka ah uu sare u qaadayo adeegyada bulsho iyo dhaqaale ee ay helayaan muwaadiniinta.

 

Agaasimaha guud ee hay’adda Ethiopia Investment Holdings Buruuk Taye (Dr.) ayaa xusay in barnaamijka aqoonsiga qaranka Fayda dib loo habeeyey, laguna daray Ethiopia Investment Holdings isagoo noqday FaydaVerse Digital Solutions Enterprise, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo isbeddelka dhijitaalka ah ee dalka.

 

Waxaa la qabtay munaasabadda daahfurka rasmiga ah ee hawlgalka FAYDAVERSE taas oo loo arko bog cusub oo ka furmaya socdaalka isbeddelka dhijitaalka ah ee dalka, iyadoo uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Temesgen Tiruneh.

 

Agaasimaha guud ee hay’adda Ethiopia Investment Holdings Buruuk Taye (Dr.) ayaa tilmaamay in FaydaVerse ay xoojin doonto awoodda Itoobiya ee dhinaca dhijitaalka, joogtaynteeda iyo tartankeeda caalamiga ah, isagoo xusay in Dawlada wadajirku siddeeddii sano ee la soo dhaafay la ballaariyey kaabayaasha isgaarsiinta, isla markaana si weyn loo kordhiyey isticmaalayaasha adeegyada codka iyo internetka.

 

Wuxuu sheegay in adeegyada hal goob ee ay wadaagaan dowladda federaalka,deeganada iyo maamullada magaalooyinka ay kor u qaadeen tayada iyo helitaanka adeegyada dowladda ee shacabka.

 

Waxaa kale oo u xusay in nidaamka Fayda uu ka mid noqday nidaamyada aqoonsiga dhijitaalka ah ee sida xawliga ah uga kobcaya Afrika, islamarkaana ku biirista Fayda Vers ee Investment Holdings ayaa xoojinaysa awoodda iyo hufnaanta hay’adda.

 

Waxay sheegeen in awoodda tiknoolajiyadda dhijitaalka ah iyo waayo-aragnimada kaabayaasha dadweynaha ee Itoobiya ay soo jiidanayaan dareenka Afrika iyo caalamka, gaar ahaan dhismaha nidaam aqoonsi dijitaal ah oo ammaan ah.

 

Dhankiisa Maamulaha guud ee Fayda Vers Digital Solutions, Yodhahe Arayaselassie, ayaa sheegay in sannadihii u dambeeyay la qabtay shaqo ballaaran oo ku saabsan diiwaangelinta iyo xaqiijinta aqoonsiga muwaadiniinta si dijitaal ah.

 

Waxa kale oo uu xusay in barnaamijka Aqoonsiga Qaranka ee Fayda oo loo beddelay “Fayda Vers Digital Solutions” kana mid noqday hay’adaha horumarinta dowladda uu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo adeegyada iyo waxqabadka dhijitaalka ah ee dalka.

 

Ugu dambayn Wuxuu xusay in isbeddelka hay’adeed uu yahay tallaabo istaraatiiji ah oo lagu xoojinayo hal-abuurka tiknoolajiyadda,maalgashiga awoodda dhaqaale iyo adeegyada dijitaalka ah ee dalka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015