Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Kuliyada Maaraynta iyo Adeega Shacabka DDS ayaa gudaha kuliyada ka sameeyay dhirbeeris, dhiigshubis yo nadaafad oo qayb ka ah barnaamijka tabarucaadka bilaha xagaaga.

Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Kuliyada Maaraynta iyo Adeega Shacabka DDS oo si mugleh uga qaybqaatay ololahan ayaa sheegay in hawshan tahay waajib qaran iyo masuuliyad lagu xoojinayo ilaalinta deegaanka, iyadoo dhirbeeristu gacan ka geysanayso ka hortagga nabaadguurka, yaraynta saamaynta isbeddelka cimilada iyo dhisidda deegaan cagaaran.

 

Dr. Nimcaan Ibraahim, Maareeyaha Kuliyada Maaraynta iyo Adeega Shacabka DDS oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in barnaamijka uu waxwayn ka tari doono kahortaga isbeddelka cimilada iyo bilicda deegaanka, taas oo qayb ka ah dadaalada xukuumadu wado ee kor loogu qaadayo hawlaha tabarucaadka.

 

XIGASHO :- SRTV SOMALI

Wakaalada Warka Itoobiya
2015