ERGOOYINKA SHIRWEYNAHA WADA-TASHIGA QARAN : WAXAA LAGA FILAYAA TALOOYIN LAGU XOOJINAYO IS-AFGARADKA QARANKA - ENA Af-Soomaali
ERGOOYINKA SHIRWEYNAHA WADA-TASHIGA QARAN : WAXAA LAGA FILAYAA TALOOYIN LAGU XOOJINAYO IS-AFGARADKA QARANKA
Addis Ababa,Afagaal, 28,2018 (ENA ): Ka qeybgalayaasha Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Itoobiya ayaa sheegay in shirkan laga filayo talooyin wax-ku-ool ah oo lagu xallinayo kala aragti duwanaanshaha jira iyadoo loo marayo wada-tashi.
Shirweynaha guud ee Wadatashiga Qaran ee Itoobiya ayaa tan iyo 8-da Hamle 2018 T.I. ka socda Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee magaalada Addis Ababa.
Waxaa shirkan ka qeybgalaya 4,000 oo ergooyin ah oo matalaya Itoobiyaan ku nool gudaha iyo dibadda dalka, kuwaas oo ka doodaya siddeed ajande oo waaweyn oo qaran.
Mid ka mid ah ka Ergooyinka ka qaybgalaya Shirweynaha Wadatashiga Qaran oo magaciisa la yidhaa Ongolay Goshandho Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) u sheegay in shirku xambaarsan yahay rajo weyn oo lagu gaari karo nabad waarta oo dhab ah kana saarta Itoobiya mugdiga hubanti la'aanta.
Waxa uu intaa ku daray in madashu ay gogol u dhigayso dhismaha Itoobiya ka wanaagsan oo xasilloon, taas oo jiilasha soo socda uga tagaysa mustaqbal wanaagsan, iyadoo si xor ah loogu soo bandhigayo fikradaha iyo aragtiyaha kala duwan.
Dhankeeda, ka qeybgalaha dhalinyarada ah ee Saron Amenew ayaa sheegtay in madashu ay tahay goob si cad uga tarjumaysa fikradaha iyo aragtiyaha dhammaan shacabka Itoobiya.
Waxay sidoo kale xustay in ka qeybgalayaashu ay si xor ah u cabbiri karaan fikradahooda, isla markaana ay yareyn karaan kala duwanaanshaha jira si ay u gaaraan is-afgarad guud.
Dhankiisa, Siriyat Dhengreti ayaa xusay in isu imaatinka hal madal ee wakiillada bulshada iyo ururrada kala duwan ee ka kala yimid qeybaha dalka uu sii xoojinayo midnimada qaranka.
Waxa uu ugu dambeyn sheegay in wada-tashiga ay Itoobiyaanku ku yeelanayaan wakiilladooda uu muujinayo sida ay uga go'an tahay inay si wadajir ah u dhistaan dalkooda iyo mustaqbalkiisa.