CNN OO KA WARBIXISAY BILOWGA IYO MUHIIMADDA BIYO-XIREENKA WEYN EE DIB-U-CURASHADA ITOOBIYA

Addis Ababa, Afagaal, 27,2018 (ENA ): Telefishanka caanka ah ee CNN ayaa warbixin ka diyaariyay Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya (GERD), isagoo ku tilmaamay mashruuc weyn oo aan ku koobnayn Itoobiya oo keliya, balse faa’iidooyin tamareed u horseeday dalalka gobolka.

 

CNN ayaa warbixinteeda ku sheegtay in biyo-xireenku uu iftiin gaarsiiyay malaayiin Itoobiyaan ah, 

 

Weriyaha CNN Fiktoriya Rubadhiri, ayaa warbixin ay diyaarisay ku tagtay deegaanka Guba, halkaas oo ay ku soo bandhigtay xaqiiqada dhabta ah ee ku saabsan biyo-xireenka.

 

Waxay kale oo ay xustay in kumannaan injineerro iyo khubaro dhismaha ah ay deegaanka buuraha leh u beddeleen mid ka mid ah biyo-xireennada ugu waaweyn qaaradda Afrika.

 

Dhanka kale wariye fiktoriya ayaa xustay in biyo-xireenku yahay mid muujinaya heer sare oo injineernimo, iyadoo sheegtay in kadib 14 sano oo dhismo ah la dhammeystiray, isla markaana la daahfuray maskara ama Sebtembar 2025.

 

Waxay kale oo xustay  in biyo-xireenka lagu dhisay awoodda shacabka Itoobiya, iyadoo la adeegsanayo taageerada Itoobiyaanka, maalgelinta dowladda, curaarta (bond-yada) iyo habab kala duwan oo maaliyadeed oo gudaha ah.

 

Biyo-xireenkan weyn ma aha oo keliya mid koronto siinaya malaayiin Itoobiyaan ah, balse sidoo kale wuxuu awood u siinayaa in koronto la gaarsiiyo dalalka deriska ah.

 

Sidaas darteed, waxay sheegtay in biyo-xireenku uu ka gudbay xuduudaha Itoobiya, isla markaana uu noqonayo xarun isku xirta tamarta gobolka iyo goob dalxiis oo muhiim ah, taasoo leh faa’iido dhaqaale oo weyn.

 

CNN ayaa warbixinteeda ku soo bandhigtay maamulaha mashruuca dhismaha Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya, Injineer Kifle Horo, kaas oo Dhankiisa xusay in Itoobiya ay si mas’uuliyad leh uga faa’iidaysanayso biyo-xireenka iyadoo aan waxyeello u geysan dalalka ku yaalla dhulka hoose ee webiga.

 

Maamulaha mashruuca dhismaha Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya Injineer Kifle Horo ayaa sheegay in eedda ay Masar soo jeedinayso ee ah in biyaha ay heli jirtay ay yaraadeen sababo la xiriira biyo-xireenka ay tahay mid aan sal lahayn.

 

Waxa intaasi ku daray in xilligan, korontada ay soo saaraan 13-ka marawaxadood (turbines) ee ku rakiban Biyo-xireenka Dib-u-curashada Itoobiya ay ka faa’iidaystaan 6 milyan oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo helay adeegga korontada.

 

Waxay tilmaameen in biyo-xireenku uu awood u yeeshay in koronto laga gaarsiiyo dalal ay ka mid yihiin Suudaan,Jabuuti, Kenya iyo Tansaaniya, isagoo ka gudbay xuduudaha Itoobiya.

 

Sidoo kale, wuxuu xusay in diyaar garow lagu jiro sidii mustaqbalka koronto loogu iibin lahaa Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan.

 

Maamulaha mashruuca dhismaha Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya Injineer Kifle Horo ayaa xusay  jasiiradaha ka samaysmay harada Nabad (Nagaad) ee ka dhalatay Biyo-xireenka Dib-u-curashada Itoobiya ay leeyihiin awood weyn oo ay ku noqon karaan goobo dalxiis oo soo jiidasho leh.

 

Ugu dambayn wuxuu cadeyey in mustaqbalka la dhisi doono kaabayaal u adeegaya horumarinta goobahaas si ay u noqdaan goobo dalxiis oo muhiim ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015