ITOOBIYA OO XOOJINAYSA NIDAAMKA SHARCI IYO KORMEERKA TAMARTA NUKLIYEERKA SI AY UGU ADEEGSATO SOO SAARISTA KORONTADA - ENA Af-Soomaali
ITOOBIYA OO XOOJINAYSA NIDAAMKA SHARCI IYO KORMEERKA TAMARTA NUKLIYEERKA SI AY UGU ADEEGSATO SOO SAARISTA KORONTADA
Addis Ababa:Afagaal, 28,2018 (ENA )
Hay’adda Tiknoolajiyadda Itoobiya ayaa sheegtay in Itoobiya ay xoojinayso qaab-dhismeedka sharci iyo nidaamka kormeerka caalamiga ah, isla markaana hay'addu ku guda jirta qorshaha ay tamarta nukliyeerka ugu adeegsanayso soo saarista korontada.
Hay’adda Tiknoolajiyadda Itoobiya ayaa kulan wadatashi la samaysay hay’adaha dowladda, ururrada xirfadlayaasha iyo dhinacyada kale ee ay khusayso, iyadoo laga hadlayo xeer qabyo ah oo lagu nidaaminayo laguna kormeerayo xarumaha tamarta nukliyeerka ee ay hay’addu diyaarisay.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tiknoolajiyadda Itoobiy Solomon Getachew (Dr.) ayaa xusay in kaddib markii Itoobiya si rasmi ah ugu sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA) rabitaankeeda ah in tamarta nukliyeerka loogu isticmaalo ujeeddooyin nabadeed iyo soo saarista koronto, ay dalka ka socdaan dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo nidaamka kormeerka.
Agaasimaha hayada waxa kale oo uu sheegay in la dhisayo awoodda shaqaalaha, diyaarinta xeerarka iyo nidaamyada kormeerka, hababka bixinta ruqsadaha, iyo nidaamyada kormeerka iyo fulinta sharciga, kuwaas oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.
Dhanka kale Agaasimaha hayada tiknoolajiyadda Itoobiya ayaa xusay in xeerka qabyada ah lagu daray arrimo ay ka mid yihiin doorashada goobaha xarumaha nukliyeerka, ilaalinta badbaadada deegaanka iyo shacabka, ka hortagga masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa ka dhasha hawlaha aadanaha, iyo habraacyada looga jawaabayo xaaladaha degdegga ah.
Ugu dambayn Hay’adda Tiknoolajiyadda Itoobiya ayaa xustay in ay iskaashi dhinaca dhisidda awoodda iyo wada shaqeyn xirfadeed la leedahay hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin Guddiga Kormeerka Nukliyeerka Mareykanka (USNRC), hay’adda kormeerka nukliyeerka ee Ruushka (Rostechnadzor) , iyo saaxiibo kale oo caalami ah.