Barnaamijka dhaxl beridu wuxuu suurtageliyay in la xaqijiyo yoolal waaweyn oo ku saabsan ilaalinta iyo horumarinta khayraadka – Madaxweyne Taye Atske-Selassie - ENA Af-Soomaali
Barnaamijka dhaxl beridu wuxuu suurtageliyay in la xaqijiyo yoolal waaweyn oo ku saabsan ilaalinta iyo horumarinta khayraadka – Madaxweyne Taye Atske-Selassie
Addis Ababa,Afagaal 27/2018 (ENA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, Taye Atske-Selassie, ayaa sheegay in Barnaamijka dhir beesita ee ay Itoobiya hirgalinayso uu suurtageliyay in la xaqijiyo yoolal waaweyn oo loo sameeyay ilaalinta iyo horumarinta khayraadka.
Yoolka qaranka ee ah in hal maalin gudaheeda lagu beero 800 Milyan oo geed abuu ah ayaa si rasmi ah u bilaabatay saakay 12:00 am (subaxnimo).
Madaxweynaha JFD Itoobiya, Taye Atske-Selassie, ayaa ka qayb qaata dhir ka beeray barnaamijkan.
Isaga oo ka hadlayay munaasabadda, wuxuu sheegay in Barnaamijka cagaaran ee uu hindishiis lahaa Ra'iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed uu yahay waqti cusub oo lagu beddelay yoolalkii ay dalku sannado badan doonaysay inay xaqijiso.
Wuxuu xusuusiyay in intii ka horreysay jarista dhirta iyo nabaad-guurka khayraadka ah, iyada oo ku xiran isbeddelka caddada/heerkulka iyo kulaylka kordhaya, ay dalka u haysay dhibaatooyin abaaraha soo noqnoqda ah.
Wuxuu tilmaamay in Barnaamijka dhir beeridu uu ka mid yahay tallabada ugu muhiimsan ee la qaday si loo beddelo taariikhdaas.
Haddaba, barnaamijyada sannadlaha ah ee socda, shacabku wuxuu ilaalinta u sameynayaa naftiisa iyo jiilalka soo socda iyadoo la beerayo bilyaanka sapling-ka ah, taas oo ka mid ah shaqooyinka ugu waaweyn xaga hore lagaga jiro caalamka.
Wuxuu sheegay in sannadkan dalka oo dhan lagu beeri doono 8 Bilyan oo geed abuur maantana si gaar ah loo beerayo 800 Milyan oo geed abuur