Saaka Guud ahaan Deegaanka waxaa laga beerayaa 2.85 milyan oo geed.

Dhirta maanta la beerayo ayaa isugu jirta:

Dhirta kaymaha

Geed-midhoodka

Dhirta qurxinta

Dhirta calafka xoolaha

Dhirta faa'iidada leh

Masuuliyiinta sare ee xukuumadda DDS, oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa saaka ka qayb galay ololaha dhir-beerista ee qaybta Jigjiga.

Guud ahaan deegaanka, maanta waxaa dhirta laga beerayaa 91 goobood oo baaxaddoodu dhan tahay 1,050.44 hektaar, kuwaas oo ku kala yaalla dhammaan degmooyinka iyo maamul-magaalooyinka deegaanka.

Dhammaan goobahaas laga beerayo dhirta waxaa laga qaaday xogta GPS, si loo fududeeyo dabagalka iyo daryeelka dhirta mustaqbalka.

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa sheegay in dhirtan ay door weyn ka qaadan doonto ka hortagga nabaad-guurka deegaanka, isla markaana si joogto ah loo daryeeli doono si loo xaqiijiyo koritaankeeda iyo waxtarkeeda. 

  socgasho ;SRTV

Wakaalada Warka Itoobiya
2015