SHIRKADDA DIYAARADAHA ITOOBIYA OO HESHAY DAKHLI GAARAYA $9.1 BILYAN SANAD-MIISAANIYAADEEDKII DHAMMAADAY

Addis Ababa,Afagaal 22,2018 T.I (ENA): Agaasimaha Guud ee Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya (Ethiopian Airlines Group), MESFIN TASEW shaaciyay in shirkaddu ay heshay dakhli dhan $9.1 bilyan intii lagu jiray sanad-miisaaniyadeedkii dhammaaday.

 

Agaasimaha Guud ee Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya Mesfin Tasew ayaa warbaahinta siiyay warbixinta ku sahabsan in shirkaddu ay heshay 9.1 bilyan oo dolaar dakhli ah sanad-miisaaniyadeedkii dhammaaday.

 

Agaasimaha Guud ee shirkadda dayuuradaha Itoobiya Mesfin Tasew ayaa xusay in shirkaddu ay gaartay waxqabad sare oo dhinaca hawlgalka ah, iyadoo dakhliga la diiwaangeliyay uu kor u kacay 20% marka loo eego isla muddadii sanadkii hore, isla markaana uu ka sarreeyo qorshihii loo dejiyay sanadkan 9%.

 

Waxa uu xusay in shirkaddu ay furtay afar goobood oo cusub oo duulimaadyo caalami ah, isla markaana ay sanadkan adeeg u fidisay 20.7 milyan oo rakaab ah.

 

Sidoo kale, tirada goobaha duulimaadyada gudaha dalka ayaa laga kordhiyay 22 ilaa 25, taas oo sare u qaaday awoodda adeegyada duulimaadyada gudaha.

 

Dhanka xamuulka, shirkaddu waxay qaaday 897 kun oo tan, taas oo ka dhigan koror dhan 16% marka loo barbar dhigo sanadkii hore.

 

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale xusay in shirkaddu ay hawlgelisay 9 diyaaradood oo cusub, kuwaas oo lagu soo iibiyay ama la soo kireyey, taas oo door weyn ka qaadatay kororka waxqabadka iyo natiijooyinka wanaagsan ee shirkadda.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015