RA'IISUL WASAARE ABIY AXMED (DR) OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA AZERBAYJAAN - ENA Af-Soomaali
RA'IISUL WASAARE ABIY AXMED (DR) OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA AZERBAYJAAN
Addis Ababa,Afagaal,22,2018 ENA :- Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed Dr ayaa kulan wadaxajooda la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Azerbaijan Sahiba Gafarova oo booqasho shaqo ku joogta dalka Itoobiya.
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed Dr ayaa qoraalkan ku baahiyey bartiisa bulshada, wuxuuna ku xusay in wadaxajoodkoodu ahaa mid miro-dhal ah, isla markaana diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Azerbaijan.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa xusay in labada dhinac ay ka wada xajoodeen arrimo lagu sii ambaqaadayo xiriirka laba geesoodka ah, iyadoo la dardargelinayo iskaashiga dhinacyada mudnaanta u leh labada dal.