WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA DALKA GIDEON TIMOTHEWOS (DR.) OO KULAN LA YEESHAY DHIGGIISA ZIMBABWE IYO BENIN

Addis Ababa, Afagaal,Hamle,21,2018, (ENA) :- Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Gideon Timothewos,(Dr) ayaa kulan wadaxajooda ah la yeeshay wasiirka Arrimaha Dibadda Zimbabwe Professor Amon Murwira, kulankan dhinac socodka shirka caadiga ah ee 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka socda Addis Ababa.

Kulankan wadaxajood ka ayaa lagu xusay in Itoobiya iyo Zimbabwe ay leeyihiin xiriir laba geesood ah oo taariikhi ah oo xooggan, isla markaana ay ka leeyihiin aragtiyo isku dhow arrimaha la xiriira Midowga Afrika, Pan-Africanism-ka iyo arrimaha kale ee caalamiga ah.

 

Labada dal ayaa sidoo kale isku raacay in la qabto guddi wadajir ah oo heer wasiirro ah, si loo dhaqan geliyo heshiisyada iskaashi ee ay hore ugu kala saxiixdeen dhinacyo kala duwan, loona sii xoojiyo xiriirkooda labada dhinac.

 

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Gideon Timothewos (Dr) ayaa kulan wadaxajooda layeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Benin korinne Amori, iyagoo kawada xajooday sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo hirgelin lahaa heshiisyadii hore loo gaaray.

 

Labada wasiir ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan hababka heshiisyada labada dal loogu beddeli karo waxqabad la taaban karo.

 

Dhankiisa Wasiirka arimaha dibada ee Benin korinne Amori, ayaa sidoo kale xusay in dalkoodu danaynayo inuu khibrad ka barto Itoobiya dhinaca sirdoonka macmalka ah (Artificial Intelligence).

Wakaalada Warka Itoobiya
2015