AFRIKA WAA INAY KA BAXDAA KU TIIRSANAANTA MAALIYADEED EE DIBADDA ,KANA FAA’IIDAYSATAA DAKHLIGEEDA GUDAHA - ENA Af-Soomaali
AFRIKA WAA INAY KA BAXDAA KU TIIRSANAANTA MAALIYADEED EE DIBADDA ,KANA FAA’IIDAYSATAA DAKHLIGEEDA GUDAHA
Addis Ababa,Afagaal,Hamle 21 2018 (ENA) :– Xoghayaha Fulinta ee Guddiga Dhaqaalaha Afrika ee Qaramada Midoobay (UNECA), Klever Gatete, ayaa xusay in Afrika ay tahay inay ka baxdo ku tiirsanaanta maalgelinta dibadda, isla markaana si hufan uga faa’iidaysato ilaha dakhliga gudaha si loo xaqiijiyo horumar waara.
Hadalkan ayuu ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika, kaas oo ka socda xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.
Shirka Golaha Fulinta ayaa lagu qabtay halku-dhigga sannadlaha ah ee Midowga Afrika ee 2026 oo ah: "Xaqiijinta helitaanka biyo waara iyo nidaamyo nadaafadeed oo ammaan ah, si loo dardargeliyo hirgelinta yoolalka Ajandaha 2063.
Furitaanka shirka waxaa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Gedion Timothewos (Dr.) Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Mahamoud Ali Youssouf, Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi ahna Guddoomiyaha Golaha Fulinta Edouard Bizimana, wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.
Xoghayaha Fulinta ee Guddiga Dhaqaalaha Afrika ee Qaramada Midoobay (UNECA) Klever Gatete ayaa xusay in Afrika ay hadda wajahdo caqabado ay ka mid yihiin xiisadaha juqraafi-siyaasadeed, kororka colaadaha, culayska deymaha iyo yaraanta maalgelinta, kuwaas oo si weyn u saameeyay koboca dhaqaalaha qaaradda.
Klever Gatete ayaa waxa kale oo uu xusay in si looga gudbo caqabadahaasi ay lagama maarmaan tahay in dalalka xubnaha ka ah Guddiga Dhaqaalaha Afrika ay casriyeeyaan nidaamyadooda canshuuraha, isagoo xusay in guddigu uu taageero ka bixinayo xoojinta suuqyada raasamaalka ee gudaha.
Klever Gatete ayaa xusay in Afrika ay sannad kasta dhaqaale badan ku weydo xawaaladaha sharci-darrada ah, isla markaana dakhliga canshuuraha uu yahay 16% oo keliya wax-soo-saarka guud, isagoo ku baaqay isbeddel degdeg ah.
Klever Gatete wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta siyaasad isku dhafan oo ku saabsan beeraha, tamarta, warshadaha iyo la-qabsiga isbeddelka cimilada.
Waxa kale oo uu xusay in kaydka iyo maalgelinta gudaha loo jiheeyo horumarinta Afrika, isla markaana la xakameeyo baxsiga sharci-darrada ah ee hantida.
Dhanka kale waxa uu xusay in ganacsiga u dhexeeya dalalka Afrika uu hadda yahay 17% oo keliya,Hase yeeshee marka si buuxda loo hirgeliyo Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), waxaa la filayaa inuu si weyn u kordho ganacsiga gudaha marka la gaaro sannadka 2045.
Ugu dambayn, wuxuu xusay in loo baahan yahay maalgelin ballaaran oo lagu taageerayo la-qabsiga isbeddelka cimilada, casriyeynta nidaamyada xogta iyo ballaarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dijitaalka ah.