WADATASHIGA QARAN OO U SOCDA SI GUUL AH - ENA Af-Soomaali
WADATASHIGA QARAN OO U SOCDA SI GUUL AH
Addis Ababa Agaali,Hamle,21,2018 (ENA) :- gudoomiyaha gudida Wadatashiga Qaran ee Itoobiya Professor Mesfin Araya ayaa xusay in geeddi-socodka wadatashiga qaran uu si guul leh u socdo.
Gudoomiyaha gudida Wadatashiga Qaran ee Itoobiya Professor Mesfin Araya ayaa soo saaray bayaan uu kaga hadlay xaaladda uu marayo geeddi-socodka wadatashiga qaran, isagoo sheegay in wadatashigu si guul leh u socdo.
Wuxuu kale oo uu xusay in ka qaybgalayaasha wadatashigu ay koox koox uga doodayaan ajandayaasha loo qoondeeyay, isla markaana ay si nidaamsan u diiwaangelinayaan qodobada iyo arrimaha ay ka wada hadleen.
Geeddi-socodka wadatashiga qaran ayaa loo marayaa heerar kala duwan, iyadoo gunaanadyada kasoo baxa kooxaha hoose ee ka kooban tobanka qof loo gudbinayo kooxda kontonka qof ah, kadibna loo sii gudbinayo kooxaha istiraatiijiga ah ee ka kooban 250 qof.
Waxa uu intaasi kudaray in qodobada ajandayaasha aan wali laga gaarin go’aan kama dambeys ah, balse ay yihiin kuwo lagu sii wado wada-tashi iyo falanqeyn heer kasta.
Ugudambayn wuxuu ku dhawaaqay in marka la soo gabagabeeyo wadahadallada kooxaha hadda socda, toddobaadka soo socda loo gudbi doono marxaladda xigta ee geeddi-socodka wadatashiga, taas oo ah kulan ay ka qayb qaadanayaan 500 oo qof.