WUFUUDDA SHIRKA GUDDIGA FULINTA EE MIDOWGA AFRIKA OO SOO GAARAYA MAGALADA ADDIS ABABA

ADDIS ABABA,AFAGAAL,HAMLE, 19,2018 (ENA) :– Wufuud ka socota dalalka Afrika ayaa soo gaaraya magaalada Addis Ababa si ay uga qeyb galaan shirka 49-aad ee Guddiga Fulinta Midowga Afrika.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi Danjire Edouard Bizimana (Dr.) ayaa soo gaaray Addis Ababa si uu uga qeyb galo shirka.

 

Markii uu Danjire Edouard Bizimana (Dr.) ka soo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Bole, waxaa ku soo dhaweeyay Madaxa Arrimaha Hab-maamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Melaku Bedhadha.

 

Shirka 49-aad ee Guddiga Fulinta Midowga Afrika ayaa ka dhici doona magaalada Addis Ababa muddo labo maalmood ah, laga bilaabo 21-ka ilaa 22-bisha Hamle 2018 Kal tirsiga dalka. 

 

Wufuud ka kala socota dalal Afrikaan ah, oo ay ku jiraan wasiirro iyo xubno wafdiyaal ah, ayaa kusoo qulqulaya Addis Ababa si ay uga qayb galaan shirka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015