SHIRKA WADATASHIGA QARANKA OO LAGU TILMAAMAY FURSAD TAARIIKHI AH OO JIILASHA SOO SOCDA LOOGU DHAXALSIINAYO ITOOBIYA WANAAGSAN

Addisababa, Afagaal, Hamle,19,2018, (ENA):- Shirka Wadatashiga Qaran ee dalka ayaa lagu tilmaamay inuu yahay marxalad weyn oo taariikhi ah oo lagu dhisayo Itoobiya wanaagsan si loogu wareejiyo jiilka soo socda, sida ay xuseen Ergadu/ka-qaybgalayaasha shirka .

 

Sida la ogyahay Guddiga Wadatashiga Qaranka ee dalka ayaa soo xulay siddeed ajande oo laga Doodayo, iyadoo la kaashanayo muwaadiniinta ku nool gudaha iyo dibadda dalka, tan iyo 8-Hamle 2018 T.I. 4,000 oo ergooyin ayaa shirweynahu uga socdaa Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee magaalada Addis Ababa.

 

Ugu horey Agaasimaha Isbahaysiga Ururrada Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya Mascuud Gebeyehu ayaa xusay in bilowga shirkan uu yahay tallaabo weyn iyo guul muhiim ah oo lagu xallinayo dhibaatooyin muddo dheer dalka ka jiray.

 

Wuxuu kale oo uu xusay in isbahaysigu uu diray in ka badan toban kormeerayaal, kuwaas oo xaqiijiyay in wakiillo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada ay si firfircoon uga doodayeen ajandayaasha kala duwan ee madasha.

 

Dhanka kale Mascuud Gebeyehu ayaa bogaadiyay guddiga oo diyaariyay turjubaano si muwaadiniinta ka kala yimid deegaanada kala duwan ay afafkooda hooyo ugu cabbiraan fikradahooda isla markaana ay si xor ah isu dhegeysanayaan.

 

Waxa uu xusay in ka-qaybgalka firfircoon ee ergadu uu door weyn ka qaadan karo sidii loo abuuri lahaa is-afgarad siyaasadeed oo qaran iyo xalal hay’adeed oo waara.

 

Dhankiisa Ka-qaybgale Cismaan Maxamed ayaa xusay in habka Wadatashiga Qaranka ee dalku uu kaga duwan yahay dalal kale, maadaama uu si ballaaran uga qeybgeliyay muwaadiniinta heerarka kala duwan ee bulshada.

 

Waxuu kale oo uu tilmaamay in geeddi-socodka wadatashigu uu si dhab ah u xaqiijiyay ka-qaybgal loo siman yahay, isla markaana uu yahay hannaan rajo gelinaya in la gaaro is-afgarad ku saabsan dhibaatooyinka mudada dheer soo jiray.

 

Cismaan Maxamed ayaa intaas ku daray in ajandayaasha laga soo ururiyay shacabka, taasina ay siinayso kalsooni buuxda oo ah in madashan laga heli doono xalal dalka u horseeda horumar iyo mustaqbal wanaagsan.

 

Ugu dambayn wuxuu xusay in geeddi-socodka Wadatashiga Qaranka ee dalku uu yahay fursad taariikhi ah oo aysan helin jiilashii hore, isla markaana uu yahay hannaan lagu mideynayo shacabka si loo gaaro himilo qaran oo mideysan.

 

Gunaanadkii Ergada /Ka-qaybgalayaashu waxay ku adkeeyeen in natiijada shirkan laga filayo inay noqoto mid saldhig u noqota nabad waarta, is-afgarad qaran iyo Itoobiya ka wanaagsan oo loo dhaxalsiin doono jiilalka mustaqbalka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015