KA QAYB-GALKA ADEEGGA ISKAA WAX U QABSO EE SHIRWEYNAHA WADATASHIGA QARAN OO LAGU TILMAAMAY SHARAF MUWAADINIMO. - ENA Af-Soomaali
KA QAYB-GALKA ADEEGGA ISKAA WAX U QABSO EE SHIRWEYNAHA WADATASHIGA QARAN OO LAGU TILMAAMAY SHARAF MUWAADINIMO.
Addis Ababa; Afagaal, Hamle, 17,2018 (ENA) :- Dhallinyarada iskaa wax u qabso ah ee ka kala yimid dhammaan qaybaha dalku ka kooban yahay , kuwaas oo ka qayb qaatay Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee lagu go'aaminayo mustaqbalka dalka , ayaa sheegay in ka qaybgalka adeegga iskaa wax u qabso uu siiyay dareen weyn oo sharaf iyo Hansare oo muwaadinnimo.
Waxaa xusuus mudan in Shirweynaha Wadatashiga Qaran oo uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed markii la furay Hamle 8, 2018 /15 Luulyo 2026, laguna qabtay Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee magaalada Addis Ababa.
Hannaankan loo bilaabay in wada hadal lagu xalliyo arrimaha muddo dheer ahaa sababta khilaafaadka, ayaa la sheegay inuu noqon doono raad qaran oo sharaf leh oo jiilasha soo socda u gudbi doona.
Shirkan taariikhiga ah oo ay si firfircoon uga qayb qaadanayaan muwaadiniin ka kala socda dhammaan qaybaha dalku ka kooban yahay iyo qaybaha bulshada, Hadaba waxaa qayb ka ah ldhallinyaro iskaa wax u qabso ah ee isku dubbaridaya nidaamka shirka, bixiya adeegyada xogta Ergooyinka/qaybgalayaasha iyo hawlaha taageerada, ayaa noqday qayb aan si muuqata loo arkin balse aad muhiim ugu ah geeddi-socodka.
Mid ka mid ah dhalinyarada Mutadawacadka bixinaya oo magaciisa la yidhaa Yohaannis Girma oo u waramay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ayaa xusay in adeegidda dalkiisa si iskaa wax u qabso ah xilli uu socdo geeddi-socod qaran oo taariikhi ahi ay tahay arrin qofka ku abuuraysa sharaf iyo faan weyn.
Wuxuu kale oo xusay in halkii laga odhan lahaa Dalkeygu muxuu ii qabtay?, loo baahan yahay in loo gudbo fikirka leh Anigu maxaan dalkayga u qabtay? taas oo ah masuuliyad muwaadinnimo oo qofka siinaysa qanacsanaan gudaha ah isla markaana xoojinaysa dareenka masuuliyadda wadajirka ah.
Waxa kale oo uu sheegay in adeegga iskaa wax u qabso uu yahay astaan sare oo lagu muujiyo jacaylka waddanka iyo muwaadinnimada dhabta ah.
Dhankeeda, midkamida dhalinyarada mutadawacadda bixinaysa oo magaceeda la yidhaa Maqdas Mezgebu ayaa sheegtay in adeegga iskaa wax u qabso uu yahay muujinta ugu sarreysa ee qiyamka bani’aadannimada, isla markaana u adeegidda shacabka iyo dalka inta lagu jiro geeddi-socodkan muhiimka ah ee wadatashiga qaran ay tahay dareen gaar ah oo aan la qiyaasi karin.
Waxay sidoo kale sharraxday inay si gaar ah u caawinayaan ka qaybgalayaasha u baahan taageero dheeraad ah, iyagoo siinaya adeegyo xogeed iyo kaalmooyin kale si uu shirku ugu qabsoomo si habsami leh.
Dhankiisa Axmed Alewu oo ka socday deegaanka Canfarta ayaa isaguna sheegay in ka qaybqaadashada dhacdadan qaran ee weyn isagoo gudanaya waajibaadkiisa muwaadinnimo ay u tahay sharaf iyo faan aad u weyn.
Wuxuu tilmaamay in geeddi-socodka wadatashiga qaran uu door weyn ka ciyaari doono xoojinta kalsoonida muwaadiniinta dhexdooda, hirgelinta nabad waarta iyo dejinta aragti mideysan oo ku saabsan mustaqbalka Itoobiya.
Ugdamabayn Mutadawiciintu waxay sheegeen in maadaama Wadatashiga Qaranku yahay fursad taariikhi ah oo lagu qaabeynayo mustaqbalka Itoobiya iyadoo la wada leeyahay mas’uuliyadda, ka mid noqoshada geeddi-socodkan ay u noqon doonto xusuus aan marnaba ka go’i doonin noloshooda iyo raad weyn oo ay uga tagayaan dalkooda.
#Dal_Wadatashi_Ku_dhismaaya#