DOWLADDA OO BILOWDAY DIB U SOO CELINTA 1,971 MUWAADIN OO CAFIS KA HELAY SACUUDIGA.

ADDIS ABABA,፤AGAALI,6/2018 (ENA) :-  

 

Dowladda Itoobiya ayaa sii wada dib u soo celinta muwaadiniinteeda ka faa'iidaystay cafiska boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay sheegtay in ilaa hadda 1,971 muwaadiniin Itoobiyaan lagu soo celinayo dalka duulimaadyo isdaba joog ah.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka ayaa sheegtay inay si dhow ula shaqaynayso hay’adaha ay khusayso ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya si wax looga qabto xaaladda muwaadiniinta Itoobiya ee ku sugan dalkaas, gaar ahaan kuwa ku jira marxaladaha dacwadaha sharci iyo kuwa ay maxkamaduhu hore ugu rideen xukunno.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa soo saartay warsaxaafadeed ku saabsan xaaladda muwaadiniinta Itoobiya ee ku sugan duruufaha adag gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

 

Warsaxaafadeedka oo wasarada Arrimaha Dibadda oo dhammaystiran ayaa u dhigan sidatan :- 

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa sheegtay inay sii waddo wada-shaqeynta dhow ee ay la leedahay mas'uuliyiinta Boqortooyada Sacuudi Carabiya si wax looga qabto xaaladda muwaadiniinta Itoobiya ee ku sugan dalkaas, gaar ahaan kuwa wajahaya dacwooyin sharci ama lagu riday xukunno maxkamadeed.

 

Dowladda Itoobiya waxay mudnaan gaar ah siisaa ilaalinta badqabka, amniga, xuquuqda iyo adeegyada qunsuliyadeed ee muwaadiniinteeda ku nool dibadda.

 

Dawlada a oo duulaysa arrinta muwaadiniinta Itoobiya ee ku sugan xaaladaha adag ee Sacuudiga, dowladda ayaa heerarkeeda ugu sarreeya wada-hadallo xiriir ah la yeelatay mas’uuliyiinta Boqortooyada Sacuudi Carabiya si xal loogu helo xaaladdooda, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda. 

 

Safaaradda Itoobiya ee Riyadh iyo Qunsuliyadda Guud ee Jeddah ayaa sii xoojinaya dadaallada ay kula shaqeynayaan hay’adaha ay khusayso ee Sacuudi Carabiya, si muwaadiniinta Itoobiya ee ku jira xaaladaha adag loogu helo cafis bani’aadamnim

Wakaalada Warka Itoobiya
2015