Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad oo maanta si rasmiya uga bilowday Dalka iyo Deegaanka.

19,157 qrday ayaa sanadkan 2018-ka T.I Deegaanka Soomaalida u fadhiisanaysa imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad, kuwaasi oo ka kala socda 192 dugsi halka goobaha imtaxaankana loo qoondeeyay in ay ku galaan 12 xarumood. 

 

Ardaydan oo ah qaybta culuunta cilmiga dabiiciga ah (Natural Science)oo ay tiradoodu dhan tahay 14,369 arday iyo qaybta culuunta arrimaha bulshada (Social Science) oo dhan 4,788 ayaa imtixaanka u mari doona laba hab oo kala ah nidaamka kombiyuutarka ee tooska (online) ah iyo qoraalka waraaqaha iyada oo loo qaybiyay wareegyo kala duwan.

 

Wareega koowaad ayaa lagu bilaabay ardayda qaybta cilmiga dabiiciga ee (Natural science) qabta ku galaysa nidaamka tooska ah ee kombiyuutarka (online).

 

Wasiir kuxigeenka Xafiiska Waxbarashada DDS Mudane Guuleed Axmed oo furitaankii imtaxaanka ka hadlay ayaa sheegay in kahor imtixaanka xafiiska waxbarashadu uu sameeyay dadaalo kala duwan oo ardayda faham buuxa laga siinayo nidaamyada casriga ah ee imtixaanka loo galayo.

 

Guud ahaan ardayda galaysa imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad ee Deegaanka Soomaalida ee sanadkan 2018-ka T.I oo tiradooda guud dhan tahay 19,157 arday ayaa 5,951 ka mid ah ay ku galayaan nidaamka onlin-ka halka, 13,206 ardayna ay ku galayaan nidaamka waraaqaha.

 

    Xigasho :- SRTV

Wakaalada Warka Itoobiya
2015