Wakiilka Midowga Yurub oo walaac ka muujiyay askareynta TPLF ee Dawlad Deegaanka Tigray

Wakiilka Midowga Yurub ee Itoobiya ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda amni iyo siyaasadeed ee sii xumaanaysa ee waqooyiga Itoobiya, iyadoo warar isa soo taraya ay sheegayaan in hoggaanka garabka xagjirka ee TPLF uu mar kale horseedayo khatar colaadeed.

 

War-saxaafadeed maanta ay soo sareen, Midowga Yurub ayaa sheegay inuu si gaar ah uga walaacsan yahay tallaabooyin lagu eedeeyay TPLFtii oo hore loo burburiyay oo ku dhawaaqday talaaboyinka ay kamid yihiin :- Aasaasid gole deegaan oo is barbar socda, Iyo hirgelin hal dhinac ah oo askareyn qasab ah oo ka socota deegaanka Tigray.

 

Midowga Yurub wuxuu ka digay in tallaabooyinkan ay wiiqi karaan guulihii laga gaaray Heshiiskii Joogtada ahaa ee Joojinta Colaadda ee Pretoria (2022).

 

Waxa uu intaa ku daray in falalkan ay si toos ah uga hor imanayaan qodobbada heshiiskii nabadda ee Pretoria, isla markaana ay halis u yihiin sii kordhinta xiisada Deeganka katagan oo sii xumata .

 

Midowga Yurub wuxuu adkeeyay in degdeg loo bilaabo wada-hadallo dhab ah oo ku saabsan hirgelinta heshiiska Pretoria, si loo ilaaliyo geeddi-socodka nabadda loogana hortago xasillooni darro cusub.

 

Dhanka kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabad waarta oo ka dhalata Itoobiya, Midowga Yurub wuxuu muujiyay taageero buuxda oo uu siinayo dadaallada dhexdhexaadinta ee uu hoggaaminayo Olusegun Obasanjo, kaas oo ujeedkiisu yahay fududeynta wada-hadalka iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida waqooyiga Itoobiya.

 

Dhanka kale Midowga Yurub ayaa xaqiijinaya sida ay uga go’an tahay nabad waarta oo Itoobiya ka dhalata, islamarkaana wuxuu si buuxda u taageeray dadaallada dhexdhexaadinta ee uu hoggaaminayo Wakiilka sare ee Midowga Afrika u xilsaaran fududaynta wada hadalada Olusegun Obasanjo, si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida waqooyiga Itoobiya.

 

Bayaankan diblomaasiyadeed ayaa daba socda tallaabooyin hore oo xannibaado ah oo ay Mareykanka ah, kuwaas oo lagu soo rogay xayiraado safar hoggaanka xagjirka ee TPLF iyo qoysaskooda, kadib markii lagu helay falal lagu tilmaamay inay wax u dhimeen xasilloonida dalka.

 

Heshiiskii Nabadda ee Pretoria, oo si rasmi ah loo saxiixay bishii Noofambar 2022, ayaa dhex maray dowladda Itoobiya iyo TPLF oo markaas loo aqoonsanaa urur burburay, iyadoo lagu saxiixay hoos-tagga Midowga Afrika.

 

Heshiiskan taariikhiga ah ayaa si rasmi ah u soo afjaray colaaddii, isagoo horseeday joogsashadii dagaalka.

 

Heshiisku wuxuu sidoo kale amrayey/waajibiyay:- hub ka dhigista, kala diridda iyo dib-u-dhexgelinta dagaalyahannadii hore bulshada, Soo celinta maamulka federaalka iyo nidaamka dastuuriga ah ee Deeganka Tigray ,Bixinta gargaar bani’aadamnimo oo aan caqabad lahayn, iyo dib-u-dhiska kaabayaasha burburay,

kuwaas oo dhammaantood saldhig u ah nabad waarta oo ka dhalata waqooyiga Itoobiya.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015