Xisbiga Barwaaqo ayaa Helay Inta Badan Codadka Doorashada Guud ee Toddobaad - ENA Af-Soomaali
Xisbiga Barwaaqo ayaa Helay Inta Badan Codadka Doorashada Guud ee Toddobaad
Addis Ababa; Agaali 14/ 2018 (ENA): Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in Xisbiga Barwaaqo uu helay inta badan codadka deegaan doorashooyinkii laga codeeyay Doorashada Guud ee Toddobaad.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shaaciyay natiijada natiijada guud ee Doorashada Guud ee 7-aad.
Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya, Taye Asqesilaase, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya, Melatwork Haylu, hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed ee doorashada ka qaybgalay, wakiillo ka socda hay'adaha caalamiga ah iyo kuwa bulshada rayidka ah, safiirrada dalalka shisheeye, iyo martisharaf kale oo lagu casuumay madasha.
Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Tesfaye Neway, ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay natiijada Doorashada Guud ee Toddobaad.
Sidaas darteed, Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Itoobiya wuxuu ku dhawaaqay in Xisbiga Barwaaqo uu helay inta badan codadka kuraasta Golaha Shacabka (Baarlamaanka Federaalka) iyo Golayaasha Deegaanka (Xildhibaanada degaanada) ee uu u tartamay.