#DALXIIS : Togga Jalalaqe – Duleedka Degmada Sallaxaad.

Degmada Sallaxaad ee Gobolka Erer waxaa ku yaalla Togga Jalalaqe, oo ka mid ah goobaha dabiiciga ah ee ugu quruxda badan deegaanka.

Toggan ayaa leh muuqaal dabiici ah oo soo jiidasho leh, waxaana hareerihiisa ku teedsan dhir cagaaran iyo deegaan qurux badan oo indhaha soo jiita, gaar ahaan xilliyada roobka iyo barwaaqada.


 

Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska ee DDS ayaa wada xog ururin iyo daraasaad lagu ogaanayo goobaha ku habboon dalxiiska iyo khayraadka dabiiciga ah ee gobolka Erar, Isu-duwaha dhaqanka iyo dalxiiska ee gobolka ayaana qayb ka ah dadaallada lagu soo bandhigayo goobaha dabiiciga ah iyo kuwa dhaqameed ee deegaanku caanka ku yahay.


 

Togga Jalalaqe wuxuu muhiimad weyn u leeyahay bulshada deegaanka iyo xoolo-dhaqatada, maadaama uu door weyn ka qaato helitaanka biyaha iyo daaqa xoolaha.


 

Sidoo kale, Togga Jalalaqe waa goob laga helo nasasho, bilic dabiici ah iyo muuqaal muujinaya hodantinimada deegaanka Sallaxaad.

Togga Jalalaqe wuxuu astaan u yahay:-

▪️ Quruxda dabiiciga ah

▪️ Deegaan cagaaran oo barwaaqo ah

▪️ Nolosha miyiga iyo dhaqanka reer guuraaga

▪️ Khayraadka dabiiciga ah ee Gobolka Erer

Xigasho: Xafiiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska DDA


 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015