Seerada Cusub ee Ciyaaraha ayaa si rasmi ah loogu furay dadweynaha magaalada Addis Ababa

Addis Ababa, Cuur 26/2018 (ENA): Xafiiska R'iisul Wasaaraha dalka ayaa shaaciyay in seeradan cusub ee ciyaaraha, si degdeg ahna loo dhisay loona dhammeystiray, hadda loo furay adeegga dadweynaha ee magaalada Addis Ababa. Seeradan waxaa lagu tilmaamay mid faa’iido weyn u leh koboca magaalada.

Mashruucu wuxuu muujinayaa sida ay dowladda uga go’an tahay caafimaadka muwaadiniinta iyo in magaalada loo sameeyo muuqaal casri ah oo qurux badan.

Seeradu waxay ku fadhidaa dhul dhan 5.7 hektar, waana goob ciyaaro iyo nasasho cagaaran oo heer caalami ah. Waxaa lagu sifeeyay inuu ka badan yahay mashruuc dhisme, isla markaana uu yahay astaan ka tarjumaysa wejiga cusub ee Itoobiya.

Goobta waxaa lagu qalabeeyay kaabayaal casri ah oo daboolaya baahida dadka magaalada iyo dalxiisayaasha.

Waxaana kamid ah adeegyadaas Barkad dabaal oo heer Olympic ah, Waddo orod oo dhererkeedu yahay 800 mitir, Garoomo kubbadda cagta, kubbadda koleyga iyo tennis-ka oo heer sare ah.

Sidoo kale, waxaa jira meelo carruurtu ku ciyaaraan iyo goobo ciid ah oo loogu talagalay nasashada bulshada.

Si loo dhiirrigeliyo jiilka soo koraya loona xuso halyeeyada dalka, waxaa seeradan laga taagay taallooyin sharafeed loo sameeyay 15 ciyaartoy oo Itoobiya u soo hooyay billado dahab ah ciyaaraha Olympic-ga. Tani waxay goobta ka dhigaysaa meel xusuus taariikheed iyo halyeeynimo leh, kana badan goob ciyaaro oo keliya.

Marka laga yimaado dhinaca ciyaaraha, seeradan wuxuu fursado dhaqaale u furay ganacsatada, iyadoo laga hirgaliyay 105 dukaan oo ganacsi.

Intaa waxaa dheer, waxaa la dhisay xarun weyn oo hal mar qaadi kara 3,000 oo qof, taas oo ka dhigaysa meel ku habboon qabashada munaasabado bulsho iyo dhaqaale.

#WWI

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015