Ra’iisul Wasaaraha Rwanda, Dr. Justin Nsengiyumfa, ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika - ENA Af-Soomaali
Ra’iisul Wasaaraha Rwanda, Dr. Justin Nsengiyumfa, ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika
Addis Ababa, Cirir 6/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Bole waxaa halkaas ku soo dhoweeyay Wasiirka Nabadda , Maxamed Idiris, iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Danjire Berirhaanu Sagaaye.
Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika ayaa berri ka furmaya Addis Ababa, iyadoo lagu qabanayo halku-dhigga ah: “Hubinta helitaanka biyo waara iyo nidaamyo nadaafadeed oo ammaan ah, si loo xaqiijiyo guusha himilooyinka Ajendaha 2063.”
Hoggaamiyeyaasha ka qeyb galaya shirkan ayaa si isdabajoog ah u soo gaaraya caasimadda Afrika, Addis Ababa.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital�