Madaxweynaha Namibiya Netumbo Nandi-Nidayutiu (Dr.) ayaa soo gaadhtay Addis Ababa. - ENA Af-Soomaali
Madaxweynaha Namibiya Netumbo Nandi-Nidayutiu (Dr.) ayaa soo gaadhtay Addis Ababa.
Addis Ababa; Cirir 5/2018 (ENA): Madaxweynaha Namibiya Netumbo Nandi-Nidayutiu (Dr.) ayaa soo gaadhtay magaalada Addis Ababa si ay uga qeyb gasho shir madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa markii ay ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Bole waxaa ku soo dhaweeyay Wasiirka Caafimaadka Dr. Maqdhes Dhaaba.
Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika waxa lagu qaban doonaa hal-ku-dheggiisu yahay “Hubinta Sahayda Biyaha iyo Nadaafada waarta; Gaaritaanka Yoolalka Ajendaha 2063-ka”.
Madaxda ka qeyb galeysa shir madaxeedka ayaa sidoo kale gaaraya magaalada Addis Ababa ee xarunta Afrika.
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
#Agenda2063
#AUsummit