Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida iyo masuuliyiin heer federaal ah ayaa kormeer shaqo ku tegay gobollada Liibaan iyo Afdheer

Doolo-cado, Dharabley 12/2018 (ENA): – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed, oo ay weheliyaan masuuliyiin heer federaal ah, ayaa safar shaqo ku gaaray gobollada Liibaan iyo Afdheer.

 

Weftiga madaxweynaha waxaa kamid ahaa Komishinerka Komishinka Maareeynta Khataraha Masiibooyinka ee dalka, Dr. Shifaraw Taklamaaryam, iyo masuuliyiin kale oo ka socda hay’adaha federaalka iyo kuwa deegaanka.

 

Ujeeddada safarka shaqo ayaa la xiriirtay kormeer iyo qiimeyn lagu sameynayo xaaladaha nololeed ee bulshada, heerka saameynta ay leeyihiin khataraha masiibooyinka, iyo dadaallada socda ee wax ka qabashada dhibaatooyinka bani’aadantinimo, gaar ahaan kuwa la xiriira abaarta, fatahaadaha, iyo sugnaanta cuntada.


Markii ay gaareen magaalada Doolo-cado, Madaxweynaha iyo weftigiisa waxaa si diirran u soo dhaweeyay maamulka gobalka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Masuuliyiinta ayaa halkaas ka jeediyay warbixinno la xiriira xaaladda guud ee gobollada Liibaan iyo Afdheer, caqabadaha jira, iyo baahiyaha mudnaanta leh.

 

Inta uu safarku socdo, waxaa la filayaa in weftigu booqdo goobo ay ka socdaan mashaariic horumarineed, xeryo ay ku nool yihiin dad dhibaatooyin ka soo barakacay, iyo xarumo dowladeed, si ay si dhow ula socdaan shaqada ka socota dhulka, ugana helaan xog dhab ah oo lagu saleeyo go’aanno wax ku ool ah.



Safarkan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta iskaashiga u dhexeeya dowladda federaalka iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyo dardargelinta dadaallada lagu wajahayo caqabadaha bini’aadantinimo iyo horumarineed ee ka jira deegaanka.

 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015