Wadatashi qaran, dhaqanka dimuqraadiyadda iyo dhismaha hay’adaha waa tiirarka lama huraanka u ah dhismaha dal ay dhammaan ku wada noolaan karaan

Addis Ababa, Xoorreey 28/2018 (ENA): Wuxuu xusay in si loo xalliyo caqabadaha Itoobiya loohuna hormariyo dalka awood mideysan, aqoonyahannadu ay tahay in ay ka bilaabaan soo saarista fikrado iyo sameynta daraasado xal-raadin ah, una sii gudbiyaan fulinta hawlo dhab ah oo keena isbeddel la taaban karo.

Markii wax laga weydiiyay sida loo xallin karo kala duwanaanshaha siyaasadeed, wuxuu sheegay in xallinta kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee ka jira Itoobiya ay tahay arrin u baahan go’aan adag iyo mowqif cad.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in fikirrada xagjirka ah ee ka jira deegaannada kala duwan aysan dalka horay u qaadi karin, balse haddii lagu shaqeeyo fikradda ah in “Itoobiya waan wada leenagay,” lagu tallaabsan karo marxalad ka wanaagsan tan hadda la joogo.

“Taariikhda miisaan ayaan ku eegnaa, maantana dadaal, berrina rajeyn,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo xusay in ay lama huraan tahay in dhammaan bulshada la siiyo fursado siman.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in dhismaha midnimo qaran oo xooggan lagu gaari karo oo keliya iyada oo la dhisayo taariikh-wadaag qaran, isla markaana dowladdu arrintan mudnaan siinayso kana shaqeyneyso si joogto ah.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015