Itoobiya waxaa ka go’an inay si wadajir ah uga shaqayso hirgelinta yoolalka iyo caqabadaha caalamiga ah taasoo ku dhisan falsafadda Iskudarka – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa, Gudba 13/2018 (ENA): Shirka hoggaamiyeyaasha dalalka G-20 ayaa maanta ka furmay magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika, waxaana ka qaybgalay Madaxweynaha Koonfur Afrika Syril Ramafoosaa iyo madaxda dalalka xubnaha ka ah G-20.

Ra’iisul Wasaaruhu khudbaddiisa wuxuu ku tilmaamay shirka G-20 ee lagu qabanayo Afrika inuu yahay dhacdo taariikhi ah. Wuxuu xusay in Itoobiya oo leh taariikh qadiimi ah ay ka shaqaynayso horumar iyo koboc loo dhan yahay oo ku saleysan falsafadda Iskudarka.

Wuxuu sheegay in Iskudarku (Medemer) ay ku dhisan tahay iskaashi, ka mid noqosho, iyo in la isku keeno fikirro iyo dadaallo kala duwan. Waxa kale oo uu tilmaamay in xarumaha hal-abuurka iyo seerooyinka warshadaha ee magaalooyinka waaweyn ay noqdeen il koboc dhaqaale.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in Itoobiya ay adeegsanayso tignoolajiyada casriga ah, oo ay ka mid tahay garaadka macmalka ah, si ay u ballaariso ka mid noqoshada dhanka dijitaalka. Wuxuu intaas ku daray in beeralaydu ay kordhinayaan wax soo saarkooda iyagoo ka faa’iidaysanaya tignoolajiyada.

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay ku socoto waddo ay kaga gudubto caqabadaha isla markaana ay xaqiijiso riyooyinkeeda, taas oo muujinaysa awood aan la dhayalsan karin oo ay dhiseyso.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in dunida maanta ay u baahan tahay in la dardargeliyo dib-u-habeynta nidaamka maaraynta deynta caalamiga ah, isla markaana waddamada horumaraya lagu taageero dhimista culaysyada deynta si ay u isticmaalaan kheyraadkaas horumarinta iyo koboca.

Sidoo kale wuxuu xusay in Itoobiya ay dhaqangelisay olole cagaaran oo ay ku beertay in ka badan 48 bilyan oo geedo ah si loo yareeyo saameynta isbeddelka cimilada.

Wuxuu ku baaqay in la fududeeyo hab ay dalalka fulinaya mashaariicda ka hortagga isbeddelka cimilada ugu isticmaali karaan deyntooda si ay u maalgeliso hawlahooda deegaanka.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu taabtay dhowr arrimood oo kale oo ay ka mid yihiin: isbeddelka dijitaalka, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo hal-abuurka. Wuxuu sidoo kale xusay in Biya-xidheenka Weyn ee Itoobiya (GERD) ay muujinayso sida Afrika ugu baahan tahay koronto nadiif ah oo raqiis ah.

Ugu dambeyn, wuxuu ku boorriyay G-20 in ay wiiqnaanta dhaqaalaha aysan u arkin cabbir kaliya, balse xasilloonida iyo awoodda waddan u leeyahay inuu ka gudbo culaysyada ay tahay waxa dhab ahaantii qeexaya horashada.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku soo gabagabeeyay in Itoobiya ay ka go’an tahay inay si wadajir ah ula shaqeyso caalamka si loo gaaro yoolalka iyo rajooyinka la wadaago, taas oo ku dhisan falsafadda Iskudarka (Medemer).

#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015