Xuska maalinta Qoomiyadaha iyo Shucuubta Dalka Itoobiya oo markii 20aad la qabanayo Bisha Gudba ayaa ka dhacay magaalada Hargeelle ee xarunta gobolka Afdheer

Addis Ababa, Gudba 13/2018 (ENA): Isusoo baxa Xuskan Maalinta Qoomiyadahada iyo Shucuubta Dalka oo ay isugu soo baxeen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Hargeelle ayay kala soo qaybgaleen gudoomiyaha gobolka Afdheer Mudane Shugri Xasan Bare, xubnaha kale ee heer gobol iyo hogaanka nabadgalyada degmada Hargeelle.

Xuskan oo Halkudhig looga dhigay "Isfahamka Dimuqraadiyadu waa udub-dhexaadka Midnimada Qaran" ayay bulshada iyo masuuliyiintu socod lug ah kusoo mareen wadooyinka magaalada iyadoo la muujinayo muhiimada ay uleedahay maalintan wada noolaanshaha Qoomiyada Dalka.

#WWI  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015