Addis Ababa iyo Kuala Lumpur ayaa kala saxiixday heshiiska mataanaha iyo iskaashiga

Addis Ababa, Gudba 11/2018 (ENA):  Duqa Maamulka Magaalada Addis Ababa, Adhaanej Abebe, ayaa sheegtay in maamulka magaalada Addis Ababa iyo magaalada Kuala Lumpur ee Malayshiya ay kala saxiixdeen heshiis mataanayn iyo iskaashi ah.

Marwada ayaa intaas ku dartay in heshiiska lagu kala saxiixday kulan ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed iyo Ra’iisul Wasaaraha Malayshiya Dato Seri Anwar Bin Ibraahim, sida ay ku baahisay farriin ay soo dhigtay barteeda bulshada.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015