Waxaa magaalada Jigjiga ka furmay wareega 2-aad ee tababarka hogaaminta sare iyo dhexe ee Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanka Soomaalida. - ENA Af-Soomaali
Waxaa magaalada Jigjiga ka furmay wareega 2-aad ee tababarka hogaaminta sare iyo dhexe ee Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanka Soomaalida.
Wareega 2-aad ee tababarka S.M 2018-ka T.I ee hogaaminta sare iyo dhexe ee Xisbiga Barwaaqo laanta Deegaanka Soomaalida oo socon doona 8 maalmood oo xidhiidha ah ayaa hal ku dhaggiisu yahay "Aragtida Dowlada wadajirka waa Horumarinta waaxyaha kala duwan ee dalka”.
Tababarka ayaa inta uu socdo lagu baran doonaa mowduucyo la xidhiidha aragtida dowlada ee ku dhisan fikirka wadajirka ah ee beeraha iyo horumarinta reer miyiga, warshadaha, horumarinta magaalooyinka iyo dalxiiska.
Tababarkani ayaa ah mid lagu dhisayo aqoonta, xirfadaha iyo kartida hogaamineed ee hogaaminta Xisbiga Barwaaqo.
Hogaamin dhan 2,700 oo ka kala socota qaab dhismeedka xisbiga heer deegaan, gobol, maamul magaalo iyo degmo ayaa ka qeyb galaya tababarka.