Itoobiya iyo Aserbayjaan oo ka wadahadlay iskaashi ay ka yeelanayaan warshadaha difaaca - ENA Af-Soomaali
Itoobiya iyo Aserbayjaan oo ka wadahadlay iskaashi ay ka yeelanayaan warshadaha difaaca
Addis Ababa, Gudba 11/2018 (ENA): Itoobiya iyo Aserbayjaan ayaa yeeshay wadahadal ku saabsan sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen qaybta warshadaha difaaca.
Wasiirka Gaashaandhigga Inj. Caasha Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Warshadaha Difaaca ee Aserbayjaan, Fugar Mustafayef, ayaa ka wadahadlay mowduucyo la xiriira iskaashiga labada dal.
Intii lagu jiray wadahadalka, Wasiir Caasha Maxamed waxay sharaxday in Itoobiya xooga saaraysa xoojinta aasaaska warshadaha difaaceeda oo ay ka shaqaynayso horumarintiisa.
War ay Wasaaradda Difaacu usoo dirtay ENA ayaa lagu tilmaamay in Itoobiya ay ka go’an tahay inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay Aserbayjaan.
Dhankiisa, Wasiir Fugar Mustafayef wuxuu caddeeyay in dalkiisu si dhab ah uga shaqeynayo inuu sii xoojiyo iskaashiga uu la leeyahay Itoobiya.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Aserbayjaan ay danaynayso in Itoobiya noqoto saaxiibkeeda muhiimka ah ee warshadaha difaaca.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya