Mustaqbalka Itoobiya iyo Malayshiya waa mid ifaya oo sii xoogaysanaya – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa, Gudba 11/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in mustaqbalka iskaashiga Itoobiya iyo Malayshiya uu noqonayo mid ifaya oo sii xoogaysan doona.

Wuxuu sheegay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay diblomaasiyad, dhaq-dhaqaaqa dalalka soo koraya iyo wada shaqeynta Koonfur-Koonfur, taas oo muujinaysa go’aanka labada dhinac.

Ra’iisul Wasaare Abiy wuxuu u mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Malayshiya sidii wanaagsaneyd ee loo soo dhaweeyay intii uu ku sugnaa dalkaas, wuxuuna tilmaamay in labada hoggaamiye ay yeesheen wadahadal furan oo ku saabsan xoojinta iskaashiga labada dal.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in booqashadu furtay bog cusub oo saaxiibtinnimo iyo iskaashi ah, halka wadahadaladii Addis Ababa lagu qabtay ay abuureen fursado lagu xoojinayo iskaashiga labada dal iyo kan dhinacyada badan leh.

Intii lagu jiray kulanka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in labada dal ka arrinsadeen fursadaha ay ku ballaarin karaan xiriirkooda meelo badan.

Ra’iisul Wasaare Abiy wuxuu ku sheegay inuu aaminsan yahay in mustaqbalka Itoobiya iyo Malayshiya uu noqon doono mid ifaya oo xoog badan.

Ugu dambeyn, wuxuu Ra’iisul Wasaaraha Malayshiya ugu hambalyeeyay imaanshihiisa Itoobiya, isagoo u rajeeyay in maalmaha uu dalka joogo ay u noqoto mid miro dhal ah.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015