Xiriirka Malayshiya iyo Itoobiya waa tusaale muujinaya iskaashi wax ku ool ah oo u dhexeeya Afrika iyo Malayshiya – Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Dato Seri Anwar Bin Ibraahim

Addis Ababa, Gudba 11/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Dato Seri Anwar Bin Ibraahim ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu yahay tusaale ka tarjumaya iskaashi miro dhala oo u dhexeeya Malayshiya iyo Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed (Dr.) ayaa wadahadal la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Malayshiya Dato’ Seri Anwar Bin Ibraahim.

Anwar Bin Ibraahim ayaa sheegay in iskaashiga labada dal uu sii xoogaysanayo.

Wuxuu xusay in dadka Malayshiya ay si gaar ah u qadariyaan taariikhda Itoobiya, taas oo xiriirka labada dal siinaysa muuqaal gaar ah oo muhiim ah.

Labada dal ayaa ku mideysan inay xoojiyaan iskaashiga ay ku leeyihiin madasha BRICS, halka Malayshiya ay uga mahadcelisay Itoobiya taageeradii ay siisay si ay ugu biirto BRICS.

Waxa kale oo uu sheegay inay labada dal leeyihiin xiriir wanaagsan oo ku saleysan iskaashiga Koonfur-Koonfur.

Intii lagu jiray booqashadii Kuala Lumpur ee uu Abiy Axmed ku tegay, waxaa sidoo kale Addis Ababa lagu qabtay madal ganacsi oo Itoobiya iyo Malayshiya ah, taas oo lagu sheegay inay gacan ka geysan doonto kobcinta xiriirka labada dal.

Malayshiya waxay caddeysay inay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dhinac ee ku saabsan ganacsiga, maalgashiga, waxbarashada, dhaqanka iyo cilmiga.

Dhanka kale, Malayshiya oo ka tirsan ururka dalalka Koonfur Bari Aasiya (ASEAN), ayaa muujisay inay rabto inay ballaariso helitaanka suuqyada Afrika, iyadoo Itoobiya ay ka tahay albaabka muhiimka ah ee qaaradda, maadaama ay xarun u tahay Midowga Afrika.

Anwar Bin Ibraahim wuxuu ku daray in iskaashiga Malayshiya iyo Itoobiya uu yahay tusaale ka turjumaya wada shaqayn wax ku ool ah oo u dhexaysa Malaysia iyo guud ahaan Afrika.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015